HomeWararTalyaaniga oo ka hadlay Qorshaha Tahriibayaasha ay Somali ka mid tahay ee...

Talyaaniga oo ka hadlay Qorshaha Tahriibayaasha ay Somali ka mid tahay ee u sii gudbaya Galbeedka Europe

Date:

Related stories

Haweenka Suxufiyiinta Soomaaliya oo Weerarro Wajahaya

Suxufiyiin Soomaaliyeed oo Xarig iyo Jirdil Ka Cabanaya

SSUP oo Shir Siyaasadeed uga Qaybgalay Urdun

Xisbiga SSUP ee Soomaaliya oo ka qaybgalay shir siyaasadeed...

Muqdisho oo Lagu Qabtay Madasha Amniga Internetka

Muqdisho waxaa ka furmay Madasha 4-aad ee Amniga Internet-ka Soomaaliya, oo ay soo qabanqaabiyeen NCA iyo Jaamacadda Muqdisho,

Ra’isul-wasaaraha dalka Talyaaniga, Matteo Renzi ayaa sheegay inay Midowga Europe ka codsan doonaan in la dedejiyo sidii Xerooyin looga samayn lahaa gudaha dalka Libya, si loo xakameeyo Qaxootiga naftooda ku soo biimeynayo tahriibkaasi.. Waxa uu sheegay inaysan dalalka Midowga Europe wax badan ka qabin Talooyinka Talyaaniga, wuxuuna ku goodiyey haddii aan codsigaasi la tixgelinin inay […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Ra’isul-wasaaraha dalka Talyaaniga, Matteo Renzi ayaa sheegay inay Midowga Europe ka codsan doonaan in la dedejiyo sidii Xerooyin looga samayn lahaa gudaha dalka Libya, si loo xakameeyo Qaxootiga naftooda ku soo biimeynayo tahriibkaasi..

Waxa uu sheegay inaysan dalalka Midowga Europe wax badan ka qabin Talooyinka Talyaaniga, wuxuuna ku goodiyey haddii aan codsigaasi la tixgelinin inay indhaha ka qabsan doonaan xiisaddaha Tahriibayaasha ku soo qulqulayo Xeebaha Talyaaniga.

- Advertisement -

Ra’isul-wasaare Renzi waxa uu sheegay inaan wax fudud loo qaadanin Xiisadda, iyadoo ay Dowladaha Faransiiiska iyo Awstariya dib u soo masaafurinayaan Tahriibayaal isugu jirtay Somalia, Sudan, Eritrea iyo Masar, kuwaasi oo doonayey inay ka gudbaan xuduudka dalka Talyaaniga.

Dhinaca kale, Ra’isul-wasaaraha Talyaaniga iyo dhigiisa dalalka Britain iyo Faransiiska ayaa la filayaa inay toddobaadka soo socda kulan ku yeeshaan magaalladda Milan, si ay uga arrinsadaan culayska dhaqaale ee ay Dowladda Talyaaniga ku hayaan Tahriibayaasha.

Dowladaha Midowga Europe, waxay horey u sheegeen inay qeybsan doonaan 24,000 oo qaxooti ka mid ah kuwa soo gaaray dalka Talyaaniga, waxayna Dowladda Talyaaniga rajeynayaan in tiradda la kordhiyo.

- Advertisement -

Hadalkiisa ayaa waxa uu ku soo beegmay, iyadoo ay Madaxda 28-ka waddan ee xubnaha ka ah Midowga Europe bishan 25-da ilaa 26-da yeelan doonaan Shirweyne looga hadlayo Qulqulka Qaxootiga.

 © Warqabadka Dalsan Radio

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts