HomeWararAlshabaab oo ka hadlay dagaalkii shalay iyo Kenya oo bandhigay maydad

Alshabaab oo ka hadlay dagaalkii shalay iyo Kenya oo bandhigay maydad

Date:

Related stories

Afrika oo Wajahaysa Caqabad Cusub oo Amni

Maalgelinta nabad ilaalinta oo hoos u dhacaysa ayaa Afrika ku qasbaysa inay dib u qaabayso hawlgallada amniga.

Burcad-badeedda Soomaaliya oo Dib u Soo Laabatay: Khatar Cusub

Burcad-badeedda Soomaaliya oo dib u soo laabatay, iyadoo khatar cusub ku ah maraakiibta gobolka.

Soomaaliya iyo Kenya oo Suuq Cusub Furaya

Soomaaliya iyo Kenya oo xoojinaya ganacsiga, maalgashiga iyo isku-xirka dhaqaale.

Dagaalamayaasha Alshabaab ayaa sheegay inay Ciiddan badan oo Kenyaan ah ku dileen dagaalkii shalay ka dhacay gudaha dalkaasi. Hadal ka soo baxay Alshabaab waxay sheegeen inay weerar qorsheysan ku qaadeen Xero ay Milliteriga Kenya leeyihiin, isla markaana ay ku dileen ciiddan badan oo Kenyaati ah. Alshabaab wax faahfaahin ah kama bixinin tiradda Ciiddanka Kenya ee […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Dagaalamayaasha Alshabaab ayaa sheegay inay Ciiddan badan oo Kenyaan ah ku dileen dagaalkii shalay ka dhacay gudaha dalkaasi.

Hadal ka soo baxay Alshabaab waxay sheegeen inay weerar qorsheysan ku qaadeen Xero ay Milliteriga Kenya leeyihiin, isla markaana ay ku dileen ciiddan badan oo Kenyaati ah.

- Advertisement -

Alshabaab wax faahfaahin ah kama bixinin tiradda Ciiddanka Kenya ee ay ku dileen iska horimaadkaasi.

Dhinaca kale, Afhayeenka Ciiddanka Kenya, Kolonel David Obonyo oo maanta la hadlay Wakaalladda Wararka ee REUTERS ayaa sheegay inay guul ka gaareen dagaalkii shalay,isla markaana ku dileen  11-dagaalyahan, waa sida uu hadalka u yiri.

Waxa kaloo uu tilmaamay in Dagaalyahannadda la dilay uu ka mid ahaa Sarkaal uu magaciisa ku sheegay Luqmaan Osman Issa oo loo yaqaano Shirwac, isla markaana ay maydkiisa dhigeen qaboojiyelagu kaydiyo maydadka ee Isbitaalka Mpeketoni.

- Advertisement -

Afhayeenka waxa uu ku eedeeyey Sarkaalkaasi inuu ka dambeeyey dagaalkii sannad ka hor lagu qaaday Deegaanka Mpeketoni oo u dhow Jesiiradda Laamu, laguna dilay 65-qof.

Dhinaca kale, Afhayeenka Ciiddanka Kenya waxa uu sheegay inay iska horimaadkii shalay ku dileen Labo Dagaalyahan oo mid u dhashay dalka Britain iyo mid u muuqaal eg dadka  Carabta, waa sida uu hadalka u yiri.

Waxa uu tilmaamay inay wadaan baaritaanka dheecaanka Hiddo-siddaha, si ay u hayb aqoonsadaan Dagaalyahanadda lagu dilay iska horimaadkii ay shalay la galeen Dagaalamayaasha Alshabaab.

© Warqabadka Dalsan Radio

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts