HomeWararHuman Rights Watch oo cambaaraysay Tacadiyadda ay Ciiddanka Kenya u geystaan Soomaalidaku...

Human Rights Watch oo cambaaraysay Tacadiyadda ay Ciiddanka Kenya u geystaan Soomaalidaku nool W/bari ee dalkaasi

Date:

Related stories

Iskaashi xooggan oo muhiim u ah xasilinta Soomaaliya

Safiirka Ingiriiska Charles King oo ka hadlay Aqoon-is-weydaarsiga 3S, isagoo sheegay in iskaashiga adag iyo hoggaaminta maxalliga ah ay muhiim u yihiin horumarka iyo xasilinta Soomaaliya.

Trump oo ku hanjabay inuu Iran “bur-buriyo” haddii la dilo

Trump oo ku hanjabay inuu Iran "bur-buriyo" haddii ay isku daydo dilkiisa, isagoo sheegay in 1,000 oo gantaal diyaar u yihiin. Xiisadda u dhexeysa Washington iyo Tehran ayaa sii kordheysa.

Markii lacagta caddaanka ah ay fashilantay, isku-xirka ayaa noqday lacag

Sida lacagta mobilada ah ay uga caawisay Soomaaliya inay...

When Cash Failed, Connection Became Currency

When cash failed in Somalia, connection became currency. How mobile money helped rebuild trust, access, and resilience and why EVC Plus became more than a payment method. Read the full story.

Journalists union raps Puntland authorities over arrest of reporter

The National Union of Somali Journalists (NUSOJ) has mounted...

Agaasime-xigeenka Hay’adda Human Rights Watch ugu qaabilsan Qaaradda Afrika, Leslie Lefkow ayaa maanta soo saartay Warbixin ay ku cambaaraynayso falalka ay Hay’addaha Ammaanka Kenya kula kacaan dadka Muslimiinta ee looga tirada badan yahay dalka Kenya, gaar ahaan dadka Soomaalida Reer Kenya. Waxay sheegtay in ay Ciiddanka Kenya ku kacaan jir-dil, xarig xukun la’aan iyo dhac […]

- Advertisement -

Agaasime-xigeenka Hay’adda Human Rights Watch ugu qaabilsan Qaaradda Afrika, Leslie Lefkow ayaa maanta soo saartay Warbixin ay ku cambaaraynayso falalka ay Hay’addaha Ammaanka Kenya kula kacaan dadka Muslimiinta ee looga tirada badan yahay dalka Kenya, gaar ahaan dadka Soomaalida Reer Kenya.

Waxay sheegtay in ay Ciiddanka Kenya ku kacaan jir-dil, xarig xukun la’aan iyo dhac baahsan, isla markaana ay dhibaateeyaan dadka Muslimiinta Kenya.

- Advertisement -

Markhaatiyayaal ayaa Hay’addu wareysatay ayaa sheegay inay Ciiddanka Kenya u xirnaayeen dhowr maalmood, isla markanaa lagula kacay jir-dil baahsan.

Waxay sheegeen inay Askarta garaaceen iyagoo ku tilmaamaya argagixiso.

Oday 42-jir oo ka mid ahaa 30-qof oo laga qabtay Degaanka Witu ayaa sheegay inay Askarta ka joojiyeen garaacista, kadib, markii ay ku daaleen garaacistaasi.

- Advertisement -

Warbixinta Hay’adda Human Rights Watch waxay ku baaqday in loo baahan yahay in isbedel lagu sameeyo Ammaanka Kenya iyo in shaqada laga cayriyo Saraakiisha geysta Tacadiyadda.

Dhinaca kale, Boliska Kenya ayaa loogu baaqay inay dadka deegaanka kala shaqeeyaan baaritaanandda weeraradda iyo in la xoojiyo Sharciga, si ay Hawlgalladda u noqdaan kuwo ka madax bannaan xad-gudubyadda.

Hadalka Hay’adda Human Rights Watch ayaa waxa uu soo baxay, iyadoo ay kordhayaan tacadiyadda ay Hay’addaha Ammaanka Kenya u geystaan dadka Muslimiinta.

Bishii hore, waxaa Baraha Warbaahinta Bulshadda ayaa la soo dhigay Saraakiil ka tirsan Ciiddanka Kenya oo ku dul soconaya Dhallinyarro ka soo jeeda Soomaalida ku nool Gobalka NFD ee W/bari Kenya.

Xigasho:- HRW

Latest stories