HomeWararDhallinyarro Somali Kenyaati ku xiran Xabsiga Ciiddanka Kenya ku leeyihiin Kismaayo

Dhallinyarro Somali Kenyaati ku xiran Xabsiga Ciiddanka Kenya ku leeyihiin Kismaayo

Date:

Related stories

Soomaaliya oo Sheegtay in 55% Dhulkii AS Dib Loo Qabsaday

La-taliyaha Amniga Qaranka Soomaaliya, Aweys Xaaji Yuusuf Axmed, ayaa madasha Global Security Forum 2026 ee Doha ka sheegay in dowladda dib ula wareegtay in ka badan 55%

Soomaaliya oo Laga Dooday Mustaqbalka Garaadka Gacmeedka

Xarunta Garaad Gacmeedka Ummadda Soomaaliyeed oo Qabatay Kulan Dood-cilmiyeed...

Shan Dhallinyarro Somali Kenya oo ay Dagaalamayaasha Alshabaab sannadkii hore ka soo kaxaysteen ayaa la sheegay inay dhex yururaan Xabsiga Ciiddanka Kenya ku leeyihiin magaalladda Kismaayo. Raggaasi ayaa la sheegay inay aad u xanuunsan yahay, isla markaana uu rafaad xooggan ka muuqdo. Raggaasi oo lagu kala magacaabo Anwar Abdi, Ali Omar, Abdirahman Mohamed, Deeq Mohamed […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Shan Dhallinyarro Somali Kenya oo ay Dagaalamayaasha Alshabaab sannadkii hore ka soo kaxaysteen ayaa la sheegay inay dhex yururaan Xabsiga Ciiddanka Kenya ku leeyihiin magaalladda Kismaayo.

Raggaasi ayaa la sheegay inay aad u xanuunsan yahay, isla markaana uu rafaad xooggan ka muuqdo.

- Advertisement -

Raggaasi oo lagu kala magacaabo Anwar Abdi, Ali Omar, Abdirahman Mohamed, Deeq Mohamed iyo Shukri Noor ayaa sheegay iyagoo wata gaari ay Dagaalamayaal ka tirsan Alshabaab ka soo kaxeysteen meel ku dhow Kaymaha Boni bishii October 11-dii ee sannadkii hore.

Waxay intaasi ku dareen inay Dagaalamayaasha Alshabaab u soo kaxeeyeen gudaha Somalia, isla markaana  la sii daayey markii ay soo gaareen meel ku dhow magaalladda Kismaayo.

Shantaasi nin waxay sheegeen inay tageen Xero ay Ciiddanka Kenya ku leeyihiin Kismaayo, kadibna ay u sheegeen dhacdadii qabsatay, waxayna Saraakiishii Ciiddanka u sheegeen in ay Xeradda sii joogaan ilaa laga ambabixi doono.

- Advertisement -

Dhallinyaradda oo khadka Telefoonka kula hadlay Wargeyska The Standard ee ka soo baxa magaalladda Nairobi ayaa sheegay inay Ciiddan ka tirsan kuwa Axmed Madoobe ku qabteen magaalladda Kismaayo, kadibna u sii gudbiyeen Xero ay Ciiddanka Kenya ku leeyihiin Kismaayo.

Dhallinyarradda waxay sheegeen inay hal mar wax cunaan, isla markaana ay bishiiba hal mar loo oggol yahay inay qubeystaan.

Xubno ka tirsan Odayaasha Dhaqanka ee W/bari Kenya oo dadaal u galay sii-daynta Dhallinyaradaasi ayaa sheegay inuu Madaxweynaha Maamulka KMG Jubbaland ku gacan-sayray inuu taageero ka geysto sidii loo sii dayn lahaa Dhallinyaradaasi ku xiran Xabsiga Ciiddanka Kenya ku leeyihiin Kismaayo.

Dhinaca kale, Wasiirka Arrimaha Gudaha ee Kenya, Joseph Nkaiserry iyo Taliyaha Guud ee Boliska Kenya, Joseph Boinett waxay Toddobaadkii hore sheegeen inaysan ku baraarugsanayn inay dad Somali Kenya laga soo qafaashay gudaha Kenya ku xiran yihiin Kismaayo.

 





Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts