HomeWararMaxkamadda The European Court of Human Rights oo dib u eegi doonta...

Maxkamadda The European Court of Human Rights oo dib u eegi doonta dacwado loo haysto Soomaali lala xiriirinayo qaraxyo ka dhacay London

Date:

Related stories

Soomaaliya oo taariikhdii ugu horeysay ka qayb gashay shirka ITF

Soomaaliya oo taariikhda ku qortay markii ugu horreysay ka qaybgalka Shirka ITF ee Jarmalka. Agaasimaha Guud Cumar Afrax: “Madasha ayaa na ku casuuntay xubin buuxda.”

Caleemo-saarka Jabuuti: Xasan Sheekh oo xoojiyay xiriirka gobolka

Xasan Sheekh oo ka qayb galay caleemo-saarka Jabuuti Jabuuti, 10...

EU iyo Soomaaliya oo xoojisay iskaashigooda istiraatiijiga

EU iyo Soomaaliya oo adkeeyay iskaashiga istiraatiijiga

Koonfur Galbeed oo si weyn u qabatay doorashadii Qof iyo Cod

Koonfur Galbeed oo si weyn u qabatay doorashadii Qof iyo Cod

President Hassan Sheikh Travels to Djibouti for President Guelleh’s Inauguration

Somali President Hassan Sheikh Mohamud arrived in Djibouti on...

Afar Somali oo ay Maxkamad ku taalla London horey xukunno ugu riday doorkii ay ku lahaayeen qaraxyo 10-sanno ka hor ka dhacay magaalladda London ayaa la sheegay inay Kiiskooda eegi doonto Maxkamadda Europe ugu qaabilsan Xuquuqda Aadanaha (The European Court of Human Rights).

Saddex ka mid ah Eedeysanayaasha oo lagu kala magacaabo Ramzi Mohammed, Muktar Said Ibrahim iyo Yassin Omar ayaa horey min 40 sanno loogu xukumay, kadib, markii lagu soo oogay inay ku fashilmeen isku-day ay ku doonayeen inay ku qarxiyaan Shabakadda Gaadiidka ka shaqeeya magaalladda London.

Dhallinyaradaasi ayaa la sheegay inay ku fashilmeen qorshahaasi oo ay maleegeen labo toddobaad kadib, markii ay London ka dhaceen qaraxyadda bishii July 7-dii ee sannadkii 2005-tii.

Eedeysanayaasha ayaa sheegay inaysan si caddaalad ah u dhicin xukunka lagu riday iyo qoraalladii laga qoray si loogu lifaaqo dacwadahooda.

Eedeysane kale oo lagu magacaabo Ismail Abdirahman oo lagu eedeeyey inuu saaciday mid ka ah Eedeysanayaasha  ayaa sheegay inaysan si xaq ah u dhicin dacwadiisa.

Waxa uu sheegay in Markhaati ah looga qoray Qoraalka Dacwadda, balse, markii dambe laga dhigay Eedeysane la socday Eedeysanayaasha kale.

Dhinaca kale, Maxkamadda Sare ee Europe ugu qaabilsan Xuiquuqda Aadanaha (ECHR) ee Xarunteeda Dhexe ku taallo magaalladda Strasbourg  waxay bishii December ee sannadkii hore ku gacan-sayrtay cabashadda Eedeysanayaasha ku sheegeen inaysan helin Xukun Caadil ah.

Dhinaca kale,  Maxkamadda ECHR  ayaa shalay sheegtay  inay Golaha Xeer-beegtida Sare ee Maxkamadda dib u eegi doonaan Kiiska Eedeysanayaasha, iyadoo ay qoraallo cabasho ah ka heleen  labo ka mid ah Eedeysanayaasha oo lagu kala magacaabo Yassin Omar iyo Ismail Abdirahman.

Tallaabadaasi ayaa u muuqata mid lagu doonayo inay Kooxo Garsoorayaal kala duwan mar kale dhegeystaan Kiiskaasi.

Qaraxyadda lagu eedeynayo Afarta Eedeysane ayaa yimid labo toddobaad kadib, Is-qarxintii bishii July 7-dii ee sannadkii 2005-tii  ka dhacay magaalladda London, kuna geeriyoodeen 52-qof.

Is-qarxintaasi waxaa geystay nin u dhashay Britian, oo ay u dhixi jirey Carmalladda Cad ee sida xooggan ay Hay’addaha Sirdoonka Reer Galbeedka u baadi-goobayaan.

uk UK 6 UK 4 UK 3 UK 1

WOOLWICH CC, FAILED BOMBERS TRIAL PIC SHOWS PICS OF EXPLOSION IN A QUARRY SHOWING DEVASTATION OF BOMB BUILT BY THE BOMBERS

Xigasho: dailymail.co.uk

Waxaa Turjumay Ustaad Nuradin Abokor Ahmed

 

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories