HomeWararCiidamada Puntland oo Qorsheynaya Weerar Culus oo ka Dhan ah Daacish

Ciidamada Puntland oo Qorsheynaya Weerar Culus oo ka Dhan ah Daacish

Date:

Related stories

Muqdisho oo Lagu Qabtay Madasha Amniga Internetka

Muqdisho waxaa ka furmay Madasha 4-aad ee Amniga Internet-ka Soomaaliya, oo ay soo qabanqaabiyeen NCA iyo Jaamacadda Muqdisho,

Soomaaliya oo Sheegtay in 55% Dhulkii AS Dib Loo Qabsaday

La-taliyaha Amniga Qaranka Soomaaliya, Aweys Xaaji Yuusuf Axmed, ayaa madasha Global Security Forum 2026 ee Doha ka sheegay in dowladda dib ula wareegtay in ka badan 55%

Ciidamada ammaanka ee Maamulka Puntland ayaa qorsheynaya weeraro duqeymo ah oo culus oo lagu beegsanayo dagaalyahanada Daacish ee ku sugan ceelka Miraale, sida ay xaqiijiyeen saraakiil ka tirsan Puntland. Wararka la helayo ayaa sheegaya in dagaalyahano ka tirsan Daacish ay ku go’doonsan yihiin ceelka Miraale, halkaas oo ay ciidamadu qorsheynayaan inay si buuxda ula wareegaan. […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Ciidamada ammaanka ee Maamulka Puntland ayaa qorsheynaya weeraro duqeymo ah oo culus oo lagu beegsanayo dagaalyahanada Daacish ee ku sugan ceelka Miraale, sida ay xaqiijiyeen saraakiil ka tirsan Puntland.

Wararka la helayo ayaa sheegaya in dagaalyahano ka tirsan Daacish ay ku go’doonsan yihiin ceelka Miraale, halkaas oo ay ciidamadu qorsheynayaan inay si buuxda ula wareegaan. Sida ay sheegeen saraakiishu, saacadaha soo socda ayaa lagu wadaa in uu bilowdo howlgal xooggan oo dhinaca dhulka ah, kaas oo ciidamadu ay kaga siqayaan jihooyin kala duwan.

- Advertisement -

Cutubyo ka tirsan ciidamada difaaca Puntland, kuwaas oo si buuxda u qalabaysan, ayaa saaka dhaq-dhaqaaqyo ciidan oo ballaaran ka bilaabay nawaaxiga ceelka Miraale. Ilo-wareedyo lagu kalsoon yahay ayaa sheegaya in duqeymo culus la filayo in ay goordhow bilaabaan, si loo burburiyo fariisimaha kooxda Daacish.

Dhinaca kale, war rasmi ah oo kasoo baxay Maamulka Puntland ayaa si kooban u xaqiijiyay in duqeymihii shalay ay diyaarado Mareykanku ka fuliyeen togga Miraale iyo nawaaxigiisa lagu laayay dagaalyahano firxad ah oo ka tirsan Daacish. Bayaanka, oo lagu qoray luqadda Ingiriiska, ayaa xusay in weerarkaasi uu si gaar ah u beegsaday xubno sare oo ka tirsanaa kooxda.

Buuraha Calmiskaad, oo ah saldhigga ugu weyn ee dagaalka lagula jiro Daacish, ayaa wali ah goob dagaal oo ay ciidamada Puntland ka wadaan howlgallo aan kala joogsi lahayn. Sida la xaqiijiyay, dagaalyahanada Daacish ayaa ku dhuumaalaysanaya godadka hoostooda, taasoo adkeysay in si fudud loola wareego xarumahooda.

- Advertisement -

Saraakiisha ammaanka ayaa sheegaya in howlgallada socda ay yihiin kuwo lagu ciribtirayo Daacish, islamarkaana ay sii socon doonaan ilaa laga gaarayo natiijo rasmi ah. Puntland ayaan weli shaacin tirada rasmiga ah ee khasaarihii ka dhashay duqeymihii hore, hase yeeshee wararka madax bannaan ayaa tilmaamaya in dagaalku weli socdo.

Wixii warar ah ee kusoo kordha howlgalka, wararkeena xiga ayaan idinku soo gudbin doonnaa.

 

 

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts