HomeWararCiidamada Puntland oo Qorsheynaya Weerar Culus oo ka Dhan ah Daacish

Ciidamada Puntland oo Qorsheynaya Weerar Culus oo ka Dhan ah Daacish

Date:

Related stories

Wasiir Soomaali oo Geneva ku soo bandhigay horumarka dijitaalka Soomaaliya

WSIS+20 oo ka dhacaya Geneva ma Soomaaliya ay ka mid tahay dalalka hormoodka ah?

FBI oo $150,000 ku bixinaysa Fahad Nur oo Soomaaliya ku sugan

FBI oo $150,000 ku bixinaysa macluumaad horseeda qabashada Fahad Maxamed Nur oo ka baxsaday 2022, laguna eedeeyay inuu $5 milyan ka dhacay barnaamijka quudinta carruurta xilligii COVID-19.

IGAD Mobilises Stakeholders to Advance the Free Movement of Persons Protocol

The Intergovernmental Authority on Development (IGAD) has intensified efforts...

Soomaaliya oo bilaababday mashruuc $12 milyan oo lagu xoojinayo adkeysiga cimilada

Soomaaliya oo bilaabay mashruuc $12 milyan oo lagu xoojinayo adkeysiga cimilada – ma waxay ka caawin doontaa magaalooyinka?

Somalia Pushes for Visa-Free Horn of Africa

Mogadishu hosts a three-day IGAD meeting on easing cross-border movement, as officials push forward a regional integration plan first launched in 2017.

Ciidamada ammaanka ee Maamulka Puntland ayaa qorsheynaya weeraro duqeymo ah oo culus oo lagu beegsanayo dagaalyahanada Daacish ee ku sugan ceelka Miraale, sida ay xaqiijiyeen saraakiil ka tirsan Puntland. Wararka la helayo ayaa sheegaya in dagaalyahano ka tirsan Daacish ay ku go’doonsan yihiin ceelka Miraale, halkaas oo ay ciidamadu qorsheynayaan inay si buuxda ula wareegaan. […]

- Advertisement -

Ciidamada ammaanka ee Maamulka Puntland ayaa qorsheynaya weeraro duqeymo ah oo culus oo lagu beegsanayo dagaalyahanada Daacish ee ku sugan ceelka Miraale, sida ay xaqiijiyeen saraakiil ka tirsan Puntland.

Wararka la helayo ayaa sheegaya in dagaalyahano ka tirsan Daacish ay ku go’doonsan yihiin ceelka Miraale, halkaas oo ay ciidamadu qorsheynayaan inay si buuxda ula wareegaan. Sida ay sheegeen saraakiishu, saacadaha soo socda ayaa lagu wadaa in uu bilowdo howlgal xooggan oo dhinaca dhulka ah, kaas oo ciidamadu ay kaga siqayaan jihooyin kala duwan.

- Advertisement -

Cutubyo ka tirsan ciidamada difaaca Puntland, kuwaas oo si buuxda u qalabaysan, ayaa saaka dhaq-dhaqaaqyo ciidan oo ballaaran ka bilaabay nawaaxiga ceelka Miraale. Ilo-wareedyo lagu kalsoon yahay ayaa sheegaya in duqeymo culus la filayo in ay goordhow bilaabaan, si loo burburiyo fariisimaha kooxda Daacish.

Dhinaca kale, war rasmi ah oo kasoo baxay Maamulka Puntland ayaa si kooban u xaqiijiyay in duqeymihii shalay ay diyaarado Mareykanku ka fuliyeen togga Miraale iyo nawaaxigiisa lagu laayay dagaalyahano firxad ah oo ka tirsan Daacish. Bayaanka, oo lagu qoray luqadda Ingiriiska, ayaa xusay in weerarkaasi uu si gaar ah u beegsaday xubno sare oo ka tirsanaa kooxda.

Buuraha Calmiskaad, oo ah saldhigga ugu weyn ee dagaalka lagula jiro Daacish, ayaa wali ah goob dagaal oo ay ciidamada Puntland ka wadaan howlgallo aan kala joogsi lahayn. Sida la xaqiijiyay, dagaalyahanada Daacish ayaa ku dhuumaalaysanaya godadka hoostooda, taasoo adkeysay in si fudud loola wareego xarumahooda.

- Advertisement -

Saraakiisha ammaanka ayaa sheegaya in howlgallada socda ay yihiin kuwo lagu ciribtirayo Daacish, islamarkaana ay sii socon doonaan ilaa laga gaarayo natiijo rasmi ah. Puntland ayaan weli shaacin tirada rasmiga ah ee khasaarihii ka dhashay duqeymihii hore, hase yeeshee wararka madax bannaan ayaa tilmaamaya in dagaalku weli socdo.

Wixii warar ah ee kusoo kordha howlgalka, wararkeena xiga ayaan idinku soo gudbin doonnaa.

 

 

Latest stories