HomeWararPuntland iyo Imaaraat ka oo duqeymo Cirka la beegsaday Firxadka Daacish

Puntland iyo Imaaraat ka oo duqeymo Cirka la beegsaday Firxadka Daacish

Date:

Related stories

Soomaaliya oo Sheegtay in 55% Dhulkii AS Dib Loo Qabsaday

La-taliyaha Amniga Qaranka Soomaaliya, Aweys Xaaji Yuusuf Axmed, ayaa madasha Global Security Forum 2026 ee Doha ka sheegay in dowladda dib ula wareegtay in ka badan 55%

Soomaaliya oo Laga Dooday Mustaqbalka Garaadka Gacmeedka

Xarunta Garaad Gacmeedka Ummadda Soomaaliyeed oo Qabatay Kulan Dood-cilmiyeed...

Faahfaahino dheeraad ah ayaa laga helayaa duqeyn culus oo habeenkii xalay ka dhacday gobolka Bari, taas oo lagu beegsaday dagaalamayaal ka tirsan kooxda Daacish. Duqeyntan ayaa ka dhacday deegaanka Togga Miiraale oo ka tirsan buuraha Calmiskaad, halkaas oo la tuhunsan yahay in ay ku sugnaayeen xubno firxadka Daacish ah. Sida ay xaqiijinayaan ilo-wareedyo amni, howlgalka […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Faahfaahino dheeraad ah ayaa laga helayaa duqeyn culus oo habeenkii xalay ka dhacday gobolka Bari, taas oo lagu beegsaday dagaalamayaal ka tirsan kooxda Daacish. Duqeyntan ayaa ka dhacday deegaanka Togga Miiraale oo ka tirsan buuraha Calmiskaad, halkaas oo la tuhunsan yahay in ay ku sugnaayeen xubno firxadka Daacish ah.

Sida ay xaqiijinayaan ilo-wareedyo amni, howlgalka duqeynta waxaa iska kaashaday ciidamada difaaca Puntland iyo saaxiibada caalamiga ah, gaar ahaan Imaaraatka Carabta. Ujeedka weerarka ayaa ahaa in lagu bartilmaameedsado xubno ka tirsan Daacish oo isku dayayay inay dib u abaabul sameeyaan.

- Advertisement -

Xafiiska howlgalka ka dhanka ah Daacish ee Puntland ayaa qoraal kooban oo uu soo saaray ku xaqiijiyay in duqeyntu si toos ah u beegsatay dagaalamayaal firxadka ah, balse lama shaacin khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay weerarka.

Si kastaba ha ahaatee, ilo madaxbannaan ayaa sheegaya in duqeynta lala helay goobo ay isku uruursanayeen xubnaha Daacish, waxaana la aaminsan yahay in khasaare culus uu gaaray kooxda la beegsaday.

Ciidamada difaaca Puntland iyo saaxiibada caalamiga ah ayaa sare u qaaday weerarada ka dhanka ah Daacish ee ka socda buuraha gobolka Bari. Tan iyo bilowgii sanadkan, duqeymo iyo howlgallo qorsheysan ayaa lagu qaaday goobaha ay ku dhuumaalaysanayaan dagaalyahanada Daacish, waxaana la xusay in marar badan lala beegsaday xarumo sirdoonku tilmaamay in ay saldhig u ahaayeen kooxda.

- Advertisement -

Dagaalka ka dhanka ah Daacish ee Puntland ka socda ayaa sii xoogeystay bilihii u dambeeyay, iyadoo duqeymihii hore ee dhacay ay sababeen dhimasho iyo dhaawac badan oo soo gaaray kooxda, inkastoo tirada rasmiga ah aan la xaqiijin.

Xaaladda Togga Miiraale ayaa weli kacsan, waxaana jira dhaqdhaqaaqyo ciidan oo ka socda halkaasi. Puntland iyo xulafadeeda dagaalka kula jira Daacish ayaa la filayaa inay sii wadaan weerarada ka dhanka ah kooxda, si meesha looga saaro khatarta ay gobolka ku hayaan.

Wixii warar ah ee kusoo kordha, waan idinla socodsiin doonaa.

 

 

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts