HomeWararQarax Ismiidaamin ah oo Goordhaw Ka Dhacay Baladweyne

Qarax Ismiidaamin ah oo Goordhaw Ka Dhacay Baladweyne

Date:

Related stories

Soomaaliya oo Laga Dooday Mustaqbalka Garaadka Gacmeedka

Xarunta Garaad Gacmeedka Ummadda Soomaaliyeed oo Qabatay Kulan Dood-cilmiyeed...

Modi oo Bogaadiyay Kabtan Smit Machchhar

Ra’iisul Wasaaraha Hindiya Narendra Modi ayaa ammaanay Kabtan Smit Machchhar, oo ahaa duuliyihii Flydubai ee dhaawacmay intii ay socotay dhacdo halis ah,

Baladweyne – Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya qarax xooggan oo saaka ka dhacay magaalada Baladweyne ee xarunta gobolka Hiiraan. Qaraxa oo ahaa mid ismiidaamin ah ayaa ka dhacay xaafadda Howlwadaag, halkaas oo ay ku sugnaayeen odayaal dhaqan iyo saraakiil ciidan. Sidda ay ilo-wareedyo amni xaqiijinayaan, qaraxa ayaa ka dhashay gaari laga soo buuxiyay waxyaabaha […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Baladweyne – Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya qarax xooggan oo saaka ka dhacay magaalada Baladweyne ee xarunta gobolka Hiiraan.

Qaraxa oo ahaa mid ismiidaamin ah ayaa ka dhacay xaafadda Howlwadaag, halkaas oo ay ku sugnaayeen odayaal dhaqan iyo saraakiil ciidan.

- Advertisement -

Sidda ay ilo-wareedyo amni xaqiijinayaan, qaraxa ayaa ka dhashay gaari laga soo buuxiyay waxyaabaha qarxa, kaas oo lagu dhuftay albaabka hore ee guri ay ku shirayeen mas’uuliyiinta la weeraray. Qaraxa kaddib, dagaalamayaal hubeysan ayaa gudaha u galay guriga, taasoo dhalisay iska hor imaad toos ah oo dhex maray weerarka iyo ciidanka ammaanka.

Dadka deegaanka ayaa sheegay in qaraxa uu ahaa mid aad u xooggan, islamarkaana laga maqlay guud ahaan xaafadda Howlwadaag iyo meelo ka baxsan. Kaddib qaraxa, waxaa bilowday rasaas culus oo dhex martay ciidamada dowladda iyo kooxdii weerarka soo qaaday.

Wararka hordhaca ah ayaa sheegaya in kooxda Al-Shabaab ay ka dambeyso weerarka, maadaama guriga la weeraray uu ahaa xarun lagu gorfeeynayay dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab, gaar ahaan qorshaha ciidamada dowladda iyo kuwa deegaanka ay ku doonayaan in kooxda looga saaro deegaano ka tirsan gobolka Hiiraan.

- Advertisement -

Saraakiisha ammaanka weli kama hadlin khasaaraha rasmiga ah ee weerarka, balse waxaa la aaminsan yahay in uu jiro khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac. Dagaalka wali wuu socdaa, waxaana ciidamada dowladda ay hareereeyeen guriga la weeraray, iyagoo wada dadaallo lagu soo afjarayo weerarka.

Dadka deegaanka ayaa sheegaya in xaaladda magaalada ay kacsan tahay, islamarkaana rasaasta laga maqlayo qeybo kala duwan oo ka mid ah magaalada Baladweyne.

Wixii warar ah ee kusoo kordha, waan idinla socodsiin doonaa.

 

 

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts