HomeWararYurub oo kulan deg deg ah ka yeelaneysa Ukraine

Yurub oo kulan deg deg ah ka yeelaneysa Ukraine

Date:

Related stories

Soomaaliya oo Sheegtay in 55% Dhulkii AS Dib Loo Qabsaday

La-taliyaha Amniga Qaranka Soomaaliya, Aweys Xaaji Yuusuf Axmed, ayaa madasha Global Security Forum 2026 ee Doha ka sheegay in dowladda dib ula wareegtay in ka badan 55%

Soomaaliya oo Laga Dooday Mustaqbalka Garaadka Gacmeedka

Xarunta Garaad Gacmeedka Ummadda Soomaaliyeed oo Qabatay Kulan Dood-cilmiyeed...

Shirweyne deg deg ah oo ay Yurub uga hadleyso xasaradaha ka taagan Ukraine iyo xal u helidda dagaalka u dhaxeeya Ruushka iyo Ukraine ayaa lagu wadaa in maanta oo Axad ah uu ka furmo magaalada London. Shirkan ayaa waxaa ka qeybgali doona madaxda dalalka Faransiiska, Jarmalka, Denmark, Talyaaniga, Netherlands, Norway, Poland, Spain, Turkey, Finland, Sweden, […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Shirweyne deg deg ah oo ay Yurub uga hadleyso xasaradaha ka taagan Ukraine iyo xal u helidda dagaalka u dhaxeeya Ruushka iyo Ukraine ayaa lagu wadaa in maanta oo Axad ah uu ka furmo magaalada London.

Shirkan ayaa waxaa ka qeybgali doona madaxda dalalka Faransiiska, Jarmalka, Denmark, Talyaaniga, Netherlands, Norway, Poland, Spain, Turkey, Finland, Sweden, Jeekiya iyo Romania, iyo sidoo kale xoghayaha guud ee Gaashaanbuurta NATO iyo madaxda Guddiga iyo Golaha Yurub.

- Advertisement -

Madaxweynaha Ukrain Volodymyr Zelenskyy ayaa shalay oo Sabti aheyd gaaray London, kaddib maalin adag oo uu ku soo qaatay Washington Jimcihii, halkaas oo uu kula soo kulmay madaxweyne Trump.

Zelenskyy iyo Trump ayaa ka soo hormuuqday shaashadaha caalamka iyaga oo is weydaarsanaya hadallo adag oo ku tacalluqay soo afjaridda dagaalka Ukraine iyo qaabka loo mari karo heshiis xabbad joojin ah, iyo waliba saxiixa heshiis dhanka macdanta ah oo la rabay in Mareykanka iyo Ukraine kala saxiixdaan.

Shir weynahan oo uu soo qaban qaabiyay ra’iisulwasaaraha Britain Keir Starmer, ayay Yurub xoogga ku saari doontaa qaabka ugu wanaagsan oo loo soo dhameyn karo dagaalka Ukrain iyo sida ay isu difaaci karto Yurub, iyadoo aanan kaalmo weydiisan Mareykanka.

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts