HomeWararCiidamada Puntland oo Weerar Culus Ku Qaaday Fariisimaha Daacish 

Ciidamada Puntland oo Weerar Culus Ku Qaaday Fariisimaha Daacish 

Date:

Related stories

Muqdisho oo Lagu Qabtay Madasha Amniga Internetka

Muqdisho waxaa ka furmay Madasha 4-aad ee Amniga Internet-ka Soomaaliya, oo ay soo qabanqaabiyeen NCA iyo Jaamacadda Muqdisho,

Soomaaliya oo Sheegtay in 55% Dhulkii AS Dib Loo Qabsaday

La-taliyaha Amniga Qaranka Soomaaliya, Aweys Xaaji Yuusuf Axmed, ayaa madasha Global Security Forum 2026 ee Doha ka sheegay in dowladda dib ula wareegtay in ka badan 55%

Ciidamada difaaca Puntland ayaa saaka aroornimadii hore howlgal ballaaran ka fuliyay dhulka buuraleyda ah ee gobolka Bari, iyagoo bartilmaameedsaday goobo ay ku sugnaayeen dagaalyahannada ururka Daacish. Sida ay wararku sheegayaan, ciidamada Puntland ayaa si gaar ah u beegsaday fariisimada ku teedsan togga Jaceel ee dhaca buuraha Cal-Miskaad, halkaas oo ay muddooyinkii dambe isku uruursanayeen maleeshiyaadka […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Ciidamada difaaca Puntland ayaa saaka aroornimadii hore howlgal ballaaran ka fuliyay dhulka buuraleyda ah ee gobolka Bari, iyagoo bartilmaameedsaday goobo ay ku sugnaayeen dagaalyahannada ururka Daacish.

Sida ay wararku sheegayaan, ciidamada Puntland ayaa si gaar ah u beegsaday fariisimada ku teedsan togga Jaceel ee dhaca buuraha Cal-Miskaad, halkaas oo ay muddooyinkii dambe isku uruursanayeen maleeshiyaadka Daacish. Weerarka ayaa si qorsheysan uga dhacay dhowr jiho, waxaana la tilmaamayaa inuu ahaa mid dagaal culus dhaliyay.

- Advertisement -

War rasmi ah oo kasoo baxay taliska ciidamada Puntland ayaa lagu sheegay in weerarku uu si guul leh u dhacay, isla markaana ay ku dileen dagaalyahanno badan oo Daacish ah. Taliska ayaa intaas ku daray in ciidamadu ay dagaalyahannada dhegta dhiigga ugu dareen deegaanka Haraaryo, oo kamid ahaa goobihii ay isku uruursanayeen maalmihii lasoo dhaafay.

Dhawaqa rasaasta ayaa si weyn looga maqlayay deegaannada ku dhow dhow goobaha lagu dagaallamay, waxaana la sheegay in dagaalku uu socday muddo saacado ah.

Howlgalkan ayaa kusoo beegmaya xilli dagaalka u dhexeeya Puntland iyo Daacish uu galay marxalad cusub, iyadoo maleeshiyaadka Daacish ay ku dhuumaalaysanayaan dhulka buuraleyda ah ee gobolka Bari.

- Advertisement -

Ciidamada Puntland ayaa horey u ballan qaaday in ay dagaalka sii wadayaan ilaa laga cirib tiro maleeshiyaadka argagixisada ah ee ku sugan gobollada waqooyi-bari ee Soomaaliya.

Wararka hordhaca ah ayaa muujinaya in labada dhinac ay khasaare kala gaareen, inkastoo aan wali lasoo bandhigin tiro rasmi ah. Dagaalku wali wuu socdaa, waxaana la filayaa in faahfaahin dheeraad ah ay kasoo baxdo saacadaha soo socda.

 

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts