HomeWararPuntland oo sheegtay inay dishay 40 dagaalame oo Daacish ah 

Puntland oo sheegtay inay dishay 40 dagaalame oo Daacish ah 

Date:

Related stories

Soomaaliya oo Laga Dooday Mustaqbalka Garaadka Gacmeedka

Xarunta Garaad Gacmeedka Ummadda Soomaaliyeed oo Qabatay Kulan Dood-cilmiyeed...

Modi oo Bogaadiyay Kabtan Smit Machchhar

Ra’iisul Wasaaraha Hindiya Narendra Modi ayaa ammaanay Kabtan Smit Machchhar, oo ahaa duuliyihii Flydubai ee dhaawacmay intii ay socotay dhacdo halis ah,

Dagaalkii ugu cuslaa ee muddooyinkan dambe ka dhaca Gobolka Bari ayaa saaka aroornimadii hore qarxay, kadib markii ciidamada difaaca Puntland ay weerar culus ku qaadeen goobaha ay kaga sugnaayeen dagaalamayaasha kooxda Daacish. Hawlgalka, oo ay hoggaaminayeen saraakiil sare oo ka tirsan ciidamada Puntland, ayaa si gaar ah uga dhacay deegaanka Haraaryo ee togga Jeceel, halkaas […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Dagaalkii ugu cuslaa ee muddooyinkan dambe ka dhaca Gobolka Bari ayaa saaka aroornimadii hore qarxay, kadib markii ciidamada difaaca Puntland ay weerar culus ku qaadeen goobaha ay kaga sugnaayeen dagaalamayaasha kooxda Daacish.

Hawlgalka, oo ay hoggaaminayeen saraakiil sare oo ka tirsan ciidamada Puntland, ayaa si gaar ah uga dhacay deegaanka Haraaryo ee togga Jeceel, halkaas oo la sheegay in Daacish ay ku lahayd saldhigyo muhiim ah. Wararka hordhaca ah ee laga helayo jiidda dagaalka ayaa xaqiijinaya in dagaalku ahaa mid aad u qaraar, iyadoo labada dhinac ay isku adeegsadeen hubka culus.

- Advertisement -

Saraakiisha ammaanka ee Puntland ayaa warbaahinta u sheegay in dagaalkii saaka ay ku dileen in ka badan 40 dagaalame..

Warar kale oo madax-bannaan ayaa sidoo kale xaqiijinaya in ciidamada Puntland ay guulo waaweyn ka gaareen dagaalka, iyagoo la wareegay dhul hor leh oo horey ugu jiray gacanta Daacish.

Daryanka madaafiicda ayaa si weyn looga maqlay jiidda hore ee dagaalka, iyadoo dadka deegaanka ay sheegeen in ay maqleen qaraxyo iyo rasaas culus oo socotay saacado badan. Dadka ku sugan deegaannada u dhow Haraaryo ayaa warbaahinta u sheegay in dagaalku bilowday waaberigii hore, islamarkaana uu sii xoogeystay saacadihii xigay.

- Advertisement -

Dhinaca kale, baraha bulshada ayaa si weyn loogu baahiyey sawirro iyo muuqaallo muujinaya maydad farabadan oo la sheegay in ay yihiin dagaalamayaal ka tirsanaa Daacish. Ma jiraan warar rasmi ah oo madax-bannaan oo si buuxda u xaqiijinaya tirada saxda ah ee dhimashada, balse ilo-wareedyo dhinaca ammaanka ah ayaa tilmaamaya in khasaaruhu aad u sarreeyo.

Ciidamada Puntland ayaa weli wada hawlgalkii ay ku sifaynayeen kooxda Daacish, iyagoo bartilmaameedsanaya goobaha ay kaga harsan yihiin buuraha gobolka Bari. Saraakiisha hoggaaminaysa dagaalka ayaa sheegay in hawlgalku uu sii socon doono maalmaha soo socda, islamarkaana ay ciidamadu gaari doonaan deegaanno hor leh oo ay ku dhuumaaleysanayaan dagaalamayaashu.

Wararkii ugu dambeeyay ee laga helayo jiidda hore ayaa muujinaya in xaaladdu weli cakiran tahay, dagaalkuna uu mar kale qarxi karo. Waxaa la filayaa in Puntland ay sii wadato dagaalka ka dhanka ah Daacish, si ay u xaqiijiso nabadda iyo xasiloonida deegaannada ay ku sugan yihiin kooxda Daacish.

 

 

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts