HomeWararPuntland oo qiratay in si qalad ah loo duqeeyay dad Reer Miyi...

Puntland oo qiratay in si qalad ah loo duqeeyay dad Reer Miyi ah kadib Howlgalada Daacish

Date:

Related stories

Soomaaliya oo Laga Dooday Mustaqbalka Garaadka Gacmeedka

Xarunta Garaad Gacmeedka Ummadda Soomaaliyeed oo Qabatay Kulan Dood-cilmiyeed...

Modi oo Bogaadiyay Kabtan Smit Machchhar

Ra’iisul Wasaaraha Hindiya Narendra Modi ayaa ammaanay Kabtan Smit Machchhar, oo ahaa duuliyihii Flydubai ee dhaawacmay intii ay socotay dhacdo halis ah,

Maamulka Puntland ayaa faahfaahin dheeraad ah ka bixiyay duqeymo ay dad shacab ah wax ku noqdeen, kuwaas oo diyaaradaha dagaalka ay ka fuliyeen Gobolka Bari. Axmed Yuusuf Maxamed (Khuurshe), Guddoomiyaha magaalada Qandala ee gobolka Bari, ayaa xaqiijiyay in duqeyntan ay si qalad ah u beegsatay dad rayid ah, kuwaas oo ku sugnaa degaanka Sixna, oo […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Maamulka Puntland ayaa faahfaahin dheeraad ah ka bixiyay duqeymo ay dad shacab ah wax ku noqdeen, kuwaas oo diyaaradaha dagaalka ay ka fuliyeen Gobolka Bari.

Axmed Yuusuf Maxamed (Khuurshe), Guddoomiyaha magaalada Qandala ee gobolka Bari, ayaa xaqiijiyay in duqeyntan ay si qalad ah u beegsatay dad rayid ah, kuwaas oo ku sugnaa degaanka Sixna, oo ka tirsan degmada Qandala.

- Advertisement -

Guddoomiyaha Qandala ayaa sheegay in duqeyntan diyaaradeed ay ka dhashay khasaare aad u weyn, iyadoo dhimashada ay gaartay afar ruux, halka lix kale ay ku dhaawacmeen. Dhamaan dadkaas ayaa ka tirsan hal qoys oo reer miyi ah, waxaana ku noolaa miyiga degaanka Sixna ee degmada Qandala.

“Marka kowaad, waxaan halkaan uga tacsiyeynaynaa qoyskii dhibaatadu ka soo gaartay duqeyntii xalay oo la sheegay in ay jiraan afar dhimasho ah iyo lix dhaawac ah inta aan warbixinta ku hayno,” ayuu yiri Guddoomiyaha. “Wixii dhintay Ilaahay ha u naxariisto, wixii dhaawac ahna Ilaahay ha u booga dhayo,” ayuu ku daray.

Guddoomiyaha wuxuu sidoo kale baaq u diray shacabka degaannada miyiga, isagoo ugu baaqay inay ka fogaadaan degaannada ku teedsan buuraha Calmiskaad, halkaas oo uu ka socdo hawlgallo lagu beegsanayo kooxaha Daacish.

- Advertisement -

In kastoo Guddoomiyaha uusan shaacin cida fulisay duqeyntan, wuxuu caddeeyay in duqeymo noocan oo kale ah ay ka dhacayaan degaannada lagu tuhmay in ay kooxaha Daacish ku sugan yihiin.

Puntland ayaa dhowaanahan xoogga saartay howlgalada ka dhanka ah Daacish, waxaana la duqeeyay degaanno badan oo ku yaal gobolka Bari.

Howlgalladan ayaa lagu sheegay in ay yihiin kuwo loogu talagalay in lagu ciribtiro kooxaha argagixisada ee ka howlgalla gudaha Puntland, iyadoo si gaar ah loo bartilmaameedsanayo meelaha ay ka joogaan xubno ka tirsan kooxda Daacish.

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts