HomeWararCiidanka Xoogga oo Hawlgal kula jarmaaday deegaano ka tirsan Gobalka Bakool

Ciidanka Xoogga oo Hawlgal kula jarmaaday deegaano ka tirsan Gobalka Bakool

Date:

Related stories

Beesha Caalamka Oo Warbixin Ka Heshay Doorashada Soomaaliya

Guddiga Madax-bannaan ee Doorashooyinka Qaranka ayaa Muqdisho kulan xogsiin ah kula yeeshay safiirrada iyo wakiillada beesha caalamka,

Farahaaga Waxaa Ku Jira Wax Aadan Ogayn

Dad badan ayaan waligood dareemin, balse faraha iyo suulasha dadka qaar waxaa ka baxa timo aad u yaryar oo khafiif ah. Maxay yihiin, maxaase sababa in dadka qaar ay yeeshaan kuwo badan?

Taliyaha Ciidanka XDS oo gaaray Turkiga si loo xoojiyo iskaashiga milateri

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa gaaray Ankara, halkaas oo uu kulamo kula yeelan doono saraakiil iyo mas'uuliyiin Turkish ah oo looga hadlayo xoojinta iskaashiga difaaca,

Ciidanka Itoobiya oo baneeyay Buurhakaba, Soomaaliya oo la wareegtay amniga

Ciidamada Itoobiya ee qaybta ka ah howlgalka AUSSOM ayaa ka baxay magaalada Buurhakaba kadib ku dhawaad 12 sano, iyadoo amniga magaalada lagu wareejiyay ciidamada Soomaaliya.

Laba xildhibaan oo u tartamaya guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya

Muqdisho – Doorashada guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya...

Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa howlgallo culus ka billaabay Gobolka Bakool ee maamulka Koofur Galbeed, kuwaas oo lagu beegsanayo kooxaha Al-Shabaab. Guutada 9-aad ee Qeybta 60-aad ee Ciidanka Xoogga ayaa saaka aroortii hore ku jarmaaday deegaano ku dhow magaalada Xuddur, halkaas oo ay ka fuliyeen howlgallo xooggan oo ka dhan ah Al-Shabaab. Howlgalka ayaa ka […]

- Advertisement -

Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa howlgallo culus ka billaabay Gobolka Bakool ee maamulka Koofur Galbeed, kuwaas oo lagu beegsanayo kooxaha Al-Shabaab.

Guutada 9-aad ee Qeybta 60-aad ee Ciidanka Xoogga ayaa saaka aroortii hore ku jarmaaday deegaano ku dhow magaalada Xuddur, halkaas oo ay ka fuliyeen howlgallo xooggan oo ka dhan ah Al-Shabaab.

- Advertisement -

Howlgalka ayaa ka dhacay degaannada Wargoloole, Hooyaley, ilaa Abagbeeday, oo ku yaalla qiyaastii 20 km dhinaca waqooyi ee magaalada Xuddur. Ciidanka Xoogga ayaa si toos ah uga hortagaya Al-Shabaab, iyaga oo isku dayaya inay sii xoojiyaan amniga gobolka Bakool.

Howlgalladu waxay weli socdaan, waxaana la xaqiijiyay in ciidamada ay horumar sameynayaan.

Si kastaba ha ahaatee, ilaa hadda wax faahfaahin dheeraad ah oo ku saabsan khasaaraha ka dhashay howlgalladaasi lagama helin. Ciidanka Xoogga ayaa sii wadi doona hawlgalka, iyadoo ujeedadu tahay in laga xoreeyo degaannadaasi Al-Shabaab, loona adkeeyo amniga guud ee gobolka.

Latest stories