HomeWararCiidanka Xoogga oo Hawlgal kula jarmaaday deegaano ka tirsan Gobalka Bakool

Ciidanka Xoogga oo Hawlgal kula jarmaaday deegaano ka tirsan Gobalka Bakool

Date:

Related stories

Soomaaliya oo Sheegtay in 55% Dhulkii AS Dib Loo Qabsaday

La-taliyaha Amniga Qaranka Soomaaliya, Aweys Xaaji Yuusuf Axmed, ayaa madasha Global Security Forum 2026 ee Doha ka sheegay in dowladda dib ula wareegtay in ka badan 55%

Soomaaliya oo Laga Dooday Mustaqbalka Garaadka Gacmeedka

Xarunta Garaad Gacmeedka Ummadda Soomaaliyeed oo Qabatay Kulan Dood-cilmiyeed...

Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa howlgallo culus ka billaabay Gobolka Bakool ee maamulka Koofur Galbeed, kuwaas oo lagu beegsanayo kooxaha Al-Shabaab. Guutada 9-aad ee Qeybta 60-aad ee Ciidanka Xoogga ayaa saaka aroortii hore ku jarmaaday deegaano ku dhow magaalada Xuddur, halkaas oo ay ka fuliyeen howlgallo xooggan oo ka dhan ah Al-Shabaab. Howlgalka ayaa ka […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa howlgallo culus ka billaabay Gobolka Bakool ee maamulka Koofur Galbeed, kuwaas oo lagu beegsanayo kooxaha Al-Shabaab.

Guutada 9-aad ee Qeybta 60-aad ee Ciidanka Xoogga ayaa saaka aroortii hore ku jarmaaday deegaano ku dhow magaalada Xuddur, halkaas oo ay ka fuliyeen howlgallo xooggan oo ka dhan ah Al-Shabaab.

- Advertisement -

Howlgalka ayaa ka dhacay degaannada Wargoloole, Hooyaley, ilaa Abagbeeday, oo ku yaalla qiyaastii 20 km dhinaca waqooyi ee magaalada Xuddur. Ciidanka Xoogga ayaa si toos ah uga hortagaya Al-Shabaab, iyaga oo isku dayaya inay sii xoojiyaan amniga gobolka Bakool.

Howlgalladu waxay weli socdaan, waxaana la xaqiijiyay in ciidamada ay horumar sameynayaan.

Si kastaba ha ahaatee, ilaa hadda wax faahfaahin dheeraad ah oo ku saabsan khasaaraha ka dhashay howlgalladaasi lagama helin. Ciidanka Xoogga ayaa sii wadi doona hawlgalka, iyadoo ujeedadu tahay in laga xoreeyo degaannadaasi Al-Shabaab, loona adkeeyo amniga guud ee gobolka.

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts