HomeWararKoox Burcad ah oo Sii Daayay Markab Kaluumaysi oo Laga Afduubtay Xeebaha...

Koox Burcad ah oo Sii Daayay Markab Kaluumaysi oo Laga Afduubtay Xeebaha Soomaaliya

Date:

Related stories

Soomaaliya oo Sheegtay in 55% Dhulkii AS Dib Loo Qabsaday

La-taliyaha Amniga Qaranka Soomaaliya, Aweys Xaaji Yuusuf Axmed, ayaa madasha Global Security Forum 2026 ee Doha ka sheegay in dowladda dib ula wareegtay in ka badan 55%

Soomaaliya oo Laga Dooday Mustaqbalka Garaadka Gacmeedka

Xarunta Garaad Gacmeedka Ummadda Soomaaliyeed oo Qabatay Kulan Dood-cilmiyeed...

Wararka laga helayo ilo lagu kalsoon yahay ayaa xaqiijinaya in koox burcad ah ay ugu dambeyntii sii daayeen markab kalluumeysi oo laga afduubtay xeebaha Soomaaliya 27-kii November 2024. Markabkan, oo ay saarnaayeen 18 shaqaale kana diiwaangashan dalka Shiinaha, ayaa u adeegayay shirkad kalluumeysi oo laga leeyahay Taiwan. Shirkaddan ayaa kalluunka u iibgeysa dalalka Spain iyo […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Wararka laga helayo ilo lagu kalsoon yahay ayaa xaqiijinaya in koox burcad ah ay ugu dambeyntii sii daayeen markab kalluumeysi oo laga afduubtay xeebaha Soomaaliya 27-kii November 2024.

Markabkan, oo ay saarnaayeen 18 shaqaale kana diiwaangashan dalka Shiinaha, ayaa u adeegayay shirkad kalluumeysi oo laga leeyahay Taiwan. Shirkaddan ayaa kalluunka u iibgeysa dalalka Spain iyo Talyaaniga, waxaana wakiil ka ahaa ganacsato ka soo jeeda Puntland.

- Advertisement -

Afduubka markabka ayaa ka dhacay xeebaha degmada Xaafuun ee gobolka Bari. Tan iyo markii uu markabku gacanta u galay burcadda, waxaa socday wadahadallo adag oo u dhexeeyay ganacsatada markabka iska leh iyo kooxdii qafaashtay.

Kooxdii burcadda ahayd ayaa markii hore ku adkeysatay dalab madax-furasho ah oo gaaraya $10 milyan. Si kastaba ha ahaatee, wadahadallada oo socday muddo dheer ayaa ugu dambeyn sababay in kooxdu ku qanacdo $2 milyan oo madax-furasho ah. Lacagtaas ayaa lagu bixiyay, taas oo horseedday sii daynta markabka.

Xeebaha Soomaaliya ayaa caan ku noqday afduubyada loo geysto maraakiibta caalamiga ah, inkastoo sannadihii dambe ay hoos u dhacday awooddii iyo saameyntii burcad-badeedda Soomaalida. Falalkan, oo saamayn ku yeeshay maraakiibta ganacsi ee caalamiga ah, ayaa weli laga dareemayaa qeybo ka mid ah xeebaha Soomaaliya.

- Advertisement -

 

 

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts