HomeWararDowladda Soomaaliya oo Garoonka Aadan Cadde kasoo dejisay labo muwaadiin laga soo...

Dowladda Soomaaliya oo Garoonka Aadan Cadde kasoo dejisay labo muwaadiin laga soo badbaadiyay Badweynta Hindiya

Date:

Related stories

Soomaaliya oo Sheegtay in 55% Dhulkii AS Dib Loo Qabsaday

La-taliyaha Amniga Qaranka Soomaaliya, Aweys Xaaji Yuusuf Axmed, ayaa madasha Global Security Forum 2026 ee Doha ka sheegay in dowladda dib ula wareegtay in ka badan 55%

Soomaaliya oo Laga Dooday Mustaqbalka Garaadka Gacmeedka

Xarunta Garaad Gacmeedka Ummadda Soomaaliyeed oo Qabatay Kulan Dood-cilmiyeed...

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa galabta Garoonka Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho ka soo dejisay labo muwaadin oo Soomaaliyeed oo lagu kala magacaabo Ibraahim Maxamud Cali iyo Sharma’arke Nuur Cabdi Aadan, dhallinyaradaan ayaa laga soo badbaadiyay Badweynta Hindiya. Markab laga leeyahay dalka Shiinaha ayaa dhallinyaradaan ka soo badbaadiyay meel badda, kadib markii ay ciladowday Dooni ay […]

- Advertisement -
Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa galabta Garoonka Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho ka soo dejisay labo muwaadin oo Soomaaliyeed oo lagu kala magacaabo Ibraahim Maxamud Cali
iyo Sharma’arke Nuur Cabdi Aadan, dhallinyaradaan ayaa laga soo badbaadiyay Badweynta
Hindiya.
Markab laga leeyahay dalka Shiinaha ayaa dhallinyaradaan ka soo badbaadiyay meel badda, kadib markii ay ciladowday Dooni ay ku kalluumeysanayeen, muddo 24 maalmood ah ayey ku jireen badda, iyadoo Doonta ciladeysan ay hadba dhinac la aadeysay.
Safaaradda Soomaaliya ee dalka Shiinaha oo ka war heshay xaaladda labadaas muwaadin ayaa la xiriirtay Kaptanka Markabkii badbaadiyey dhallinyatadaan, waxaana suurtagashay in gurmad loo fidiyo, iyadoo ugu dambeyntii galabta laga soo dejiyey Muqdisho.
Ibraahim iyo Sharma’arke oo ka warbixiyey marxaladihii ay soo mareen ayaa sheegay in markii ay Doontu ka ciladowday ay ka kalluumeysanayeen xeebaha magaalada Muqdisho, dabaysha ayaa laashka u qaaday gudaha Badweynta Hindiya, waxayna ku qaadatay 25 cisho oo cunto iyo biyo aysan helin, sida lagu sheegay warbixinta safaaradda Soomaaliya ee dalka Shiinaha.
Seddax maalmood ka hor 10-kii bishaan Janaayo 2025 ayaa Shiinaha la geeyey Ibraahim iyo Sharma’arke, maanta 13-ka Janaayo laga soo dejiyey Muqdisho, iyadoo garoonka Aadan Cadde ay ku soo dhaweeyeen masuuliyiin ka tirsan dowladda federaalka Soomaaliya.

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts