HomeWararBooliska oo war kasoo saaray Qaraxyo la sheegay in ay Magaalada ku...

Booliska oo war kasoo saaray Qaraxyo la sheegay in ay Magaalada ku jiraan

Date:

Related stories

Soomaaliya oo Laga Dooday Mustaqbalka Garaadka Gacmeedka

Xarunta Garaad Gacmeedka Ummadda Soomaaliyeed oo Qabatay Kulan Dood-cilmiyeed...

Modi oo Bogaadiyay Kabtan Smit Machchhar

Ra’iisul Wasaaraha Hindiya Narendra Modi ayaa ammaanay Kabtan Smit Machchhar, oo ahaa duuliyihii Flydubai ee dhaawacmay intii ay socotay dhacdo halis ah,

Booliska Soomaaliya ayaa war kasoo saaray hadalo dhawaanahan la isla dhex marayay oo ku aadan in caasimadda ay ka dhici karaan falal amni darro. Qoraal kasoo baxay Booliska Soomaaliya ayaa shacabka loogu sheegay inaysan jirin wax khatar amni ah. “Taliska Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed waxa uu bulshada Soomaaliyeed iyo saxaafadda u caddeynayaa in aysan jirin wax […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Booliska Soomaaliya ayaa war kasoo saaray hadalo dhawaanahan la isla dhex marayay oo ku aadan in caasimadda ay ka dhici karaan falal amni darro.

Qoraal kasoo baxay Booliska Soomaaliya ayaa shacabka loogu sheegay inaysan jirin wax khatar amni ah.

- Advertisement -

“Taliska Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed waxa uu bulshada Soomaaliyeed iyo saxaafadda u caddeynayaa in aysan jirin wax khatar amni ah oo ka jirta caasimadda Muqdisho” ayaa lagu yiri Qoraalka Kasooo baxay Booliska Soomaaliya.

Dagaalamayaasha AS ayay ku eedeeyeen inay ka dambeeyeen abuurista walaaca laga qabay in Caasimadda ay ka dhacaan falal amni darro “ayaa isku dayay inay abuuraan cabsi, iyagoo miinooyin been abuur ah ku dhajiyay xarun ganacsi oo ku taalla Degmada Daarusalaam” ayaa lagu yiri Qoraalka.

Miinooyinkaas waxaa la xaqiijiyay inay ahaayeen kuwo dheemish ah oo aan wax khatar ah geysan. Ma jirin wax khasaare nafeed ama mid hantiyeed oo ka dhashay falkaas.

- Advertisement -

Ciidanka Boliiska ayaa si degdeg ah uga jawaabay dhacdadan, kana qaaday tallaabooyin lagama maarmaan ah oo lagu xaqiijinayo amniga iyo kalsoonida bulshada.

Taliska Boliiska ayaabugu baaqay shacabka inay nabadda kala shaqeeyaan ciidamada amniga, ayna ka digtoonaadaan wararka been abuurka ah ee lagu qalqal galinayo bulshada Soomaaliyeed.

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts