HomeWararHowlgallo Culus oo ka billawday Magaalada Baladweyne

Howlgallo Culus oo ka billawday Magaalada Baladweyne

Date:

Related stories

FESTU oo Geneva ka qaylisay: Shaqaalaha iyo dhalinyarada Soomaaliyeed waa lagama maarmaan

FESTU: “Wadahadal la’aan ma jirto nabad” Geneva, Switzerland – 6...

TUBSAN iyo Talyaaniga oo xoojinaya dagaalka argagixisada

TUBSAN iyo Talyaaniga oo xoojinaya dagaalka argagixisada Muqdisho, 06 Juun...

Somalia Strengthens Ebola Preparedness Amid Regional Outbreak Risks

Somalia has stepped up Ebola preparedness, though no cases have been confirmed. The Ministry of Health has activated the National Public Health Emergency Operation Center and introduced electronic traveler health forms to strengthen border surveillance. Officials urge the public to remain calm, follow official health guidelines, and avoid misinformation.

Police Target illegal arms after deadly confrontation

Somali government security forces deployed across Mogadishu's Abdiaziz district...

Somali Police Display Weapons Cache After 20 Hours of Mogadishu Clashes

Somali police forces on Thursday showcased a large cache...
- Advertisement -

Iyadoo la fulinayo balan-qaadka madaxda dowladda Federaalka Soomaaliya ee ku sugan magaalada Beledweyne, ayaa maanta ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed waxay bilaabeen hawlgallo lagu furo waddooyinka ku yaal xaafadaha magaalada, kuwaas oo muddooyinkii dambe u xirnaa kadib shaqaaqooyin ka dhacay.

Taliyaha Guutada 5-aad ee Qeybta 27-aad ee Ciidanka Xoogga Dalka (CXD), Col. Maxamuud Xasan Ibraahim (Baakaay), ayaa hoggaaminayay ciidamada ku hawlan waddo furista iyo sugidda amniga ee ka bilowday magaalada Beledweyne. Hawlgalkaan ayaa si gaar ah loogu talagalay in lagu soo celiyo amniga iyo isku xirnaanta magaalada, taas oo muhiim u ah bulshada iyo dhaqaalaha deegaanka.

- Advertisement -

Magaalada Beledweyne ayaa dhowrkii maalmood ee lasoo dhaafay waxaa laga cabanayay isbaarooyinka iyo waddooyinka xiran, kuwaas oo saameyn weyn ku yeeshay isu socodka shacabka iyo dhaqaalaha. Si looga hortago arrintan, ciidamada ammaanka iyo maamulka magaalada ayaa si firfircoon u bilaabay hawlgallo culus oo lagu furo waddooyinka, taas oo loogu talagalay in lagu soo celiyo xaaladda caadiga ah ee magaalada.

Shalay ayaa sidoo kale ciidamada ammaanka iyo maamulka magaalada ay si wadajir ah u bilaabeen howlgallo lagu qaadayo isbaarooyinka, si ay uga hortagaan caqabadaha waddooyinka iyo hubinta amniga shacabka. Hawlgalladani ayaa ah tallaabo muhiim ah oo lagu xoojinayo amniga iyo isku socodka magaalada Beledweyne.

Latest stories