HomeWararHowlgallo Culus oo ka billawday Magaalada Baladweyne

Howlgallo Culus oo ka billawday Magaalada Baladweyne

Date:

Related stories

Soomaaliya oo Sheegtay in 55% Dhulkii AS Dib Loo Qabsaday

La-taliyaha Amniga Qaranka Soomaaliya, Aweys Xaaji Yuusuf Axmed, ayaa madasha Global Security Forum 2026 ee Doha ka sheegay in dowladda dib ula wareegtay in ka badan 55%

Soomaaliya oo Laga Dooday Mustaqbalka Garaadka Gacmeedka

Xarunta Garaad Gacmeedka Ummadda Soomaaliyeed oo Qabatay Kulan Dood-cilmiyeed...

Iyadoo la fulinayo balan-qaadka madaxda dowladda Federaalka Soomaaliya ee ku sugan magaalada Beledweyne, ayaa maanta ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed waxay bilaabeen hawlgallo lagu furo waddooyinka ku yaal xaafadaha magaalada, kuwaas oo muddooyinkii dambe u xirnaa kadib shaqaaqooyin ka dhacay. Taliyaha Guutada 5-aad ee Qeybta 27-aad ee Ciidanka Xoogga Dalka (CXD), Col. Maxamuud Xasan Ibraahim (Baakaay), […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Iyadoo la fulinayo balan-qaadka madaxda dowladda Federaalka Soomaaliya ee ku sugan magaalada Beledweyne, ayaa maanta ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed waxay bilaabeen hawlgallo lagu furo waddooyinka ku yaal xaafadaha magaalada, kuwaas oo muddooyinkii dambe u xirnaa kadib shaqaaqooyin ka dhacay.

Taliyaha Guutada 5-aad ee Qeybta 27-aad ee Ciidanka Xoogga Dalka (CXD), Col. Maxamuud Xasan Ibraahim (Baakaay), ayaa hoggaaminayay ciidamada ku hawlan waddo furista iyo sugidda amniga ee ka bilowday magaalada Beledweyne. Hawlgalkaan ayaa si gaar ah loogu talagalay in lagu soo celiyo amniga iyo isku xirnaanta magaalada, taas oo muhiim u ah bulshada iyo dhaqaalaha deegaanka.

- Advertisement -

Magaalada Beledweyne ayaa dhowrkii maalmood ee lasoo dhaafay waxaa laga cabanayay isbaarooyinka iyo waddooyinka xiran, kuwaas oo saameyn weyn ku yeeshay isu socodka shacabka iyo dhaqaalaha. Si looga hortago arrintan, ciidamada ammaanka iyo maamulka magaalada ayaa si firfircoon u bilaabay hawlgallo culus oo lagu furo waddooyinka, taas oo loogu talagalay in lagu soo celiyo xaaladda caadiga ah ee magaalada.

Shalay ayaa sidoo kale ciidamada ammaanka iyo maamulka magaalada ay si wadajir ah u bilaabeen howlgallo lagu qaadayo isbaarooyinka, si ay uga hortagaan caqabadaha waddooyinka iyo hubinta amniga shacabka. Hawlgalladani ayaa ah tallaabo muhiim ah oo lagu xoojinayo amniga iyo isku socodka magaalada Beledweyne.

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts