HomeWararMadaxweyne Xasan Sheekh oo Galabta safar ku tagi doona Itoobiya ka dib...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo Galabta safar ku tagi doona Itoobiya ka dib markii uu martiqaad uu ka helay Abiy Ahmed

Date:

Related stories

Soomaaliya oo Sheegtay in 55% Dhulkii AS Dib Loo Qabsaday

La-taliyaha Amniga Qaranka Soomaaliya, Aweys Xaaji Yuusuf Axmed, ayaa madasha Global Security Forum 2026 ee Doha ka sheegay in dowladda dib ula wareegtay in ka badan 55%

Soomaaliya oo Laga Dooday Mustaqbalka Garaadka Gacmeedka

Xarunta Garaad Gacmeedka Ummadda Soomaaliyeed oo Qabatay Kulan Dood-cilmiyeed...

Madaxweynaha JFS ayaa Galabta safar ku tagi doona Itoobiya ka dib markii uu martiqaad rasmi ah ka helay Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Madaxtooyada Qaranka kulan kula qaatay qaar ka mid ah madaxda Dalladaha Ururrada Bulshada Rayidka Soomaaliyeed. Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa xubnaha kulanka ka qeybgalay ka dhagaytay aragtidooda […]

- Advertisement -
Madaxweynaha JFS ayaa Galabta safar ku tagi doona Itoobiya ka dib markii uu martiqaad rasmi ah ka helay Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Madaxtooyada Qaranka kulan kula qaatay qaar ka mid ah madaxda Dalladaha Ururrada Bulshada Rayidka Soomaaliyeed.
Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa xubnaha kulanka ka qeybgalay ka dhagaytay aragtidooda iyo talooyinkooda la xiriir xaalada dalka, gaar ahaan arimaha siyaasada, doorashooyinka, dib-u-heshiisiinta iyo amniga.
Madaxweynaha ayaa ururrada la wadaagay warbixin guud oo ku aaddan xaaladda dalka, gaar ahaan guulaha laga gaaray dhincyada daadajinta adeegyada bulshada, soo celinta maqaamka qarankeennu ku lahaa fagaarayaasha caalaamka, horumarinta dhaqaalaha, la dagaallanka argagixisida iyo diyaargarowga ballaaran ee loogu jiro hirgalinta doorashooyinka tooska ah.
Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa sidoo kale adkeeyay sida dowladda uu hoggaamiyo ay uga go’an tahay ka mirodhalinta himilada shacabka Soomaaliyeed ee la xiriirta qabashada doorashooyinka qof iyo cod, isaga oo qeybaha kala duwan ee bulshada ugu baaqay in ay kaalintooda ka qaataan.
Xubnaha Bulshada Rayidka ayaa dhankooda bogaadiyay horumarka laga gaaray ka muuqashada fagaareyaasha diblomaasiyadeed ee caalamka iyo ciribtirka khawaarijta, iyaga oo ballanqaaday in ay kaalin weyn ka qaadan doonaan wacyigalinta bulshada iyo dowlad dhiska.

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts