HomeWararCiidanka ammaanka Puntland oo burburiyay Fariisimo Daacish kulaheyd Gobalka Bari

Ciidanka ammaanka Puntland oo burburiyay Fariisimo Daacish kulaheyd Gobalka Bari

Date:

Related stories

Soomaaliya iyo Kenya oo Suuq Cusub Furaya

Soomaaliya iyo Kenya oo xoojinaya ganacsiga, maalgashiga iyo isku-xirka dhaqaale.

Daniel iyo Labada Hooyo: Xaqiiqada Sheekada

Daniel iyo labada hooyo: maxaa run ah, maxaase aan la xaqiijin?

Xasan Sheekh oo Belgrade Fariin Adag Ka Jeediyay

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa magaalada Belgrade uga qaybgalaya shir lagu xusayo 65-guuradii Dhaqdhaqaaqa Dalalka Aan Isbahaysiga Ahayn,

Koonfur Galbeed Oo Ansixisay Dib-u-eegista Miisaaniyadda 2026

Golaha Wakiillada Koonfur Galbeed ayaa ansixiyey dib-u-eegista miisaaniyadda 2026, kadib dood iyo falanqeyn dheer oo ku saabsan dakhliga, deeqaha iyo kharashaadka dowladda.

Maxay McDonald’s Iyo KFC Uga Cabsadeen Soomaaliya?

Inkasta oo Muqdisho ay ku badan yihiin burgerro, shawarma iyo digaag la shiilay, shirkadaha waaweyn sida McDonald’s, KFC iyo Starbucks weli si rasmi ah ugama howlgalaan Soomaaliya.

Maamulka Puntland ayaa si xooggan ugu sii fiday howlgallada ka dhanka ah kooxda Daacish, kuwaas oo dhawaanahan ka socda gobolka Bari ee Puntland. Ciidamada ammaanka ee degaannada Puntland ayaa burburiyey ugu yaraan shan talis oo ay Daacish ku lahaayeen dhulka Buuraleyda ee gobolka Bari. Howlgalka ugu dambeeyay ayaa ka dhacay Togga Il-cameyro ee buuralayda Cal-miskaad, […]

- Advertisement -

Maamulka Puntland ayaa si xooggan ugu sii fiday howlgallada ka dhanka ah kooxda Daacish, kuwaas oo dhawaanahan ka socda gobolka Bari ee Puntland.

Ciidamada ammaanka ee degaannada Puntland ayaa burburiyey ugu yaraan shan talis oo ay Daacish ku lahaayeen dhulka Buuraleyda ee gobolka Bari.

- Advertisement -

Howlgalka ugu dambeeyay ayaa ka dhacay Togga Il-cameyro ee buuralayda Cal-miskaad, halkaas oo lagu burburiyey goobihii ay kooxda Daacish ku dhuumaaleysan jireen, waxaana laga helay hub iyo saanad ay kooxdaas ka carareen.

Ciidamadu waxay sidoo kale ku guuleysteen inay soo ridaan diyaarado Drones ah oo ay sheegeen saraakiishu in Daacish u isticmaalayeen inay ciidanka Puntland ku basaasaan, iyaga oo adeegsanayay tiknoolajiyadda si ay u ogaanayaan dhaqdhaqaaqyada ciidamada.

Howlgallada culus ee ka socda gobolka Bari ayaa weli socda, waxaana saraakiishu ay sheegayaan inay qorsheynayaan in dagaalka ka dhanka ah Daacish la laba jibbaari doono.

- Advertisement -

Dagaallo hore oo ka dhacay Buuraha gobolka Bari ayaa lagu dilay xubno badan oo ka tirsanaa Daacish, waxaana sidoo kale dagaalkaas ka dhashay dhimasho iyo dhaawac ay ka mid ahaayeen ajaanib badan oo ka yimid dalalka Carabta.

Ciidamada ammaanka ee Puntland ayaa si adag uga go’an in ay ka hortagaan kooxda Daacish, iyaga oo sii wada tallaabooyinka lagu xakameynayo xubnaha kooxda ee ku dhuumaaleysanaya buuraleyda gobolka Bari.

 

Latest stories