HomeWararDhulgariirkan lagu qiyaasay 6.8 oo ka dhacay Gobolka Tibet ee dalka Shiinaha

Dhulgariirkan lagu qiyaasay 6.8 oo ka dhacay Gobolka Tibet ee dalka Shiinaha

Date:

Related stories

Soomaaliya iyo Kenya oo Suuq Cusub Furaya

Soomaaliya iyo Kenya oo xoojinaya ganacsiga, maalgashiga iyo isku-xirka dhaqaale.

Daniel iyo Labada Hooyo: Xaqiiqada Sheekada

Daniel iyo labada hooyo: maxaa run ah, maxaase aan la xaqiijin?

Xasan Sheekh oo Belgrade Fariin Adag Ka Jeediyay

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa magaalada Belgrade uga qaybgalaya shir lagu xusayo 65-guuradii Dhaqdhaqaaqa Dalalka Aan Isbahaysiga Ahayn,

Koonfur Galbeed Oo Ansixisay Dib-u-eegista Miisaaniyadda 2026

Golaha Wakiillada Koonfur Galbeed ayaa ansixiyey dib-u-eegista miisaaniyadda 2026, kadib dood iyo falanqeyn dheer oo ku saabsan dakhliga, deeqaha iyo kharashaadka dowladda.

Maxay McDonald’s Iyo KFC Uga Cabsadeen Soomaaliya?

Inkasta oo Muqdisho ay ku badan yihiin burgerro, shawarma iyo digaag la shiilay, shirkadaha waaweyn sida McDonald’s, KFC iyo Starbucks weli si rasmi ah ugama howlgalaan Soomaaliya.

Gobolka Tibet ee dalka Shiinaya, waxaa wali socda howlaha gurmadka ee lagu samatabixinayo kumannaan qof oo wali ku go’doonsan deegaannada uu sida daran u saameeyay dhul garariir xoog leh oo halkaasi ka dhacay Talaadadi. Dhulgariirkan oo lagu qiyaasay 6.8 cabirka awoodda dhul gariirrada ayaa ka dhacay gobolka Tibet ee dalka Shiinaha oo qiyaastii 80 km […]

- Advertisement -

Gobolka Tibet ee dalka Shiinaya, waxaa wali socda howlaha gurmadka ee lagu samatabixinayo kumannaan qof oo wali ku go’doonsan deegaannada uu sida daran u saameeyay dhul garariir xoog leh oo halkaasi ka dhacay Talaadadi.

Dhulgariirkan oo lagu qiyaasay 6.8 cabirka awoodda dhul gariirrada ayaa ka dhacay gobolka Tibet ee dalka Shiinaha oo qiyaastii 80 km dhanka waqooyi kaga beegan buurta Everest oo ah buurta ugu dheer aduunka. Gariirka wuxuu sidoo kale ruxay dhismayaal ku yaal Nepal, Bhutan iyo Hindiya oo deriska la ah.

- Advertisement -

Saraakiisha Shiinaha waxay sheegeen in Talaadadi ilaa iyo saakay oo Arbaca ah lasoo badbaadiyay in ka badan 400 oo qof, halka ilaa 30,000 oo kale dib u dajin loo sameeyay.

Ugu yaraan 126 qof ayaa la xaqiijiyay in ay ku dhinteen dhul gariirka halka dhaawacyadu ay marayaan 188 guud ahaan gobolka Tibet. Dhanka dalka Nepal wali lama soo sheegin wax dhimasho ah.

Sahan hordhac ah ayaa muujiyay in 3,609 guri ay ku burbureen magaalada Shigatse ee Tibet, oo ay ku nool yihiin 800,000 oo qof.

Latest stories