HomeWararRa’iisul Wasaare Ku Xigeenka oo Kormeer Ku Tagay Xafiiska Hantidhawrka Guud ee...

Ra’iisul Wasaare Ku Xigeenka oo Kormeer Ku Tagay Xafiiska Hantidhawrka Guud ee Qaranka

Date:

Related stories

Soomaaliya oo Sheegtay in 55% Dhulkii AS Dib Loo Qabsaday

La-taliyaha Amniga Qaranka Soomaaliya, Aweys Xaaji Yuusuf Axmed, ayaa madasha Global Security Forum 2026 ee Doha ka sheegay in dowladda dib ula wareegtay in ka badan 55%

Soomaaliya oo Laga Dooday Mustaqbalka Garaadka Gacmeedka

Xarunta Garaad Gacmeedka Ummadda Soomaaliyeed oo Qabatay Kulan Dood-cilmiyeed...

Ra’iisul Wasaare Ku Xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Saalax Axmed Jaamac, ayaa maanta booqasho kormeer ah ku tagay Xafiiska Hantidhawrka Guud ee Qaranka, oo kaalin muuqata ku leh taabbaggelinta hufnaanta, isla-xisaabtanka, iyo hirgelinta maamul-wanaagga. Kormeerkan ayaa qeyb ka ah dadaallada xukuumadda #DanQaran ee lagu xaqiijinayo horumarinta adeegyada dadweynaha. Intii uu ku sugnaa Xafiiska, Ra’iisul Wasaare […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Ra’iisul Wasaare Ku Xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Saalax Axmed Jaamac, ayaa maanta booqasho kormeer ah ku tagay Xafiiska Hantidhawrka Guud ee Qaranka, oo kaalin muuqata ku leh taabbaggelinta hufnaanta, isla-xisaabtanka, iyo hirgelinta maamul-wanaagga. Kormeerkan ayaa qeyb ka ah dadaallada xukuumadda #DanQaran ee lagu xaqiijinayo horumarinta adeegyada dadweynaha.

Intii uu ku sugnaa Xafiiska, Ra’iisul Wasaare Ku Xigeenka ayaa kulan la yeeshay Hantidhawrka Guud iyo mas’uuliyiin ka tirsan xafiiska. Mas’uuliyiintaasi ayaa soo bandhigay warbixin ku saabsan dib-u-habeynta sharciyadda, istiraatiijiyadda, iyo qorshayaasha lagu xoojinayo shaqada Xafiiska Hantidhawrka Guud. Waxaa kale oo ay faahfaahin ka bixiyeen horumarinta hannaanka baarista si loo waafajiyo nidaamyada caalamiga ah ee hantidhawrista.

- Advertisement -

Mudane Saalax Axmed Jaamac ayaa ku bogaadiyey Xafiiska Hantidhawrka dadaallada ay ku wadaan xaqiijinta hufnaanta iyo daahfurnaanta hay’adaha dowladda, isagoo tilmaamay in dib-u-habeynta nidaamyada dowladda ay udub-dhexaad u tahay Qorshaha Isbeddelka Qaran.

“Xukuumadda #DanQaran waxay mudnaan gaar ah siineysaa taabbaggelinta hufnaanta iyo isla-xisaabtanka, taasoo saldhig u ah maamul-wanaagga. Waa waajib in hay’adaha dowladda loo hagaajiyo si ay uga tarjumaan rabitaanka iyo himilada shacabka Soomaaliyeed,” ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Ku Xigeenka.

 

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts