HomeWararCiidanka Xoogga Dalka iyo Macawisleeyda oo Howlgal oo Howgal ka Furliyay Jiinka...

Ciidanka Xoogga Dalka iyo Macawisleeyda oo Howlgal oo Howgal ka Furliyay Jiinka Wabiga 

Date:

Related stories

Soomaaliya oo Sheegtay in 55% Dhulkii AS Dib Loo Qabsaday

La-taliyaha Amniga Qaranka Soomaaliya, Aweys Xaaji Yuusuf Axmed, ayaa madasha Global Security Forum 2026 ee Doha ka sheegay in dowladda dib ula wareegtay in ka badan 55%

Soomaaliya oo Laga Dooday Mustaqbalka Garaadka Gacmeedka

Xarunta Garaad Gacmeedka Ummadda Soomaaliyeed oo Qabatay Kulan Dood-cilmiyeed...

Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed oo kaashanaya kuwa deegaanka ee loo yaqaanno Macawisleeyda ayaa howlgal qorsheysan ka sameeyay aagga Jiinka Wabiga ee Degmada Mahadaay, kaasi oo lagu beegsaday dagaalamayaal ka tirsan AS. Intii uu howlgalka socday, ayaa gacanta lagu dhigay shaqsiyaad lagu tuhunsan yahay inay xiriir la leeyihiin dagaalamayaasha Al-Shabaab. Howlgalkan oo qayb ka ah dadaallada […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed oo kaashanaya kuwa deegaanka ee loo yaqaanno Macawisleeyda ayaa howlgal qorsheysan ka sameeyay aagga Jiinka Wabiga ee Degmada Mahadaay, kaasi oo lagu beegsaday dagaalamayaal ka tirsan AS.

Intii uu howlgalka socday, ayaa gacanta lagu dhigay shaqsiyaad lagu tuhunsan yahay inay xiriir la leeyihiin dagaalamayaasha Al-Shabaab.

- Advertisement -

Howlgalkan oo qayb ka ah dadaallada dib-u-xoraynta deegaannada ku dhow Jiinka Wabiga ayaa waxa uu ka dambeeyay kadib markii Ciidanka Xoogga Dalka ay muddooyinkii u dambeeyay wadeen hawlgallo ballaaran oo lagu xaqiijinayo amniga deegaannadaas.

Ciidamada deegaanka ee Macawisleeyda ayaa door muhiim ah ka qaatay howlgalkan, iyagoo si dhow u garab istaagay Ciidanka Qaranka.

Saraakiisha hoggaaminaysay howlgalka ayaa warbaahinta u sheegay in shaqsiyaadka la qabtay lagu wado baaritaanno dheeraad ah si loo xaqiijiyo in ay xiriir dhab ah la leeyihiin Al-Shabaab iyo in kale.

- Advertisement -

Sawirro iyo muuqaallo ay baahisay warbaahinta dowladda ayaa muujinaya ciidamada oo gacanta ku haya shaqsiyaad laga soo xiray indhaha, kuwaas oo laga qabtay goobihii ay ku sugnaayeen intii uu howlgalku socday.

Intaas waxaa dheer, ciidamada ayaa burburiyay fariisimo la sheegay in ay Al-Shabaab ku dhuumaalaysan jireen, kuwaas oo ku yaallay hareeraha wabiga. Tallaabadan ayaa lagu sheegay mid muhiim ah oo looga gol leeyahay in lagu wiiqo awoodda kooxdaasi, isla markaana lagu xaqiijiyo nabadda deegaanka.

Saraakiishu waxay intaa ku dareen in howlgaladan ay sii socon doonaan ilaa iyo inta laga xaqiijinayo nabad waarta iyo xasilooni buuxda oo ka dhalata deegaannada hoos yimaada Mahadaay.

 

 

 

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts