HomeWararWajiga 2aad ee Shirka La-tashiga Hay’adaha Dowladda Federaalka oo Muqdisho ka dhacaya

Wajiga 2aad ee Shirka La-tashiga Hay’adaha Dowladda Federaalka oo Muqdisho ka dhacaya

Date:

Related stories

Afrika oo Wajahaysa Caqabad Cusub oo Amni

Maalgelinta nabad ilaalinta oo hoos u dhacaysa ayaa Afrika ku qasbaysa inay dib u qaabayso hawlgallada amniga.

Burcad-badeedda Soomaaliya oo Dib u Soo Laabatay: Khatar Cusub

Burcad-badeedda Soomaaliya oo dib u soo laabatay, iyadoo khatar cusub ku ah maraakiibta gobolka.

Soomaaliya iyo Kenya oo Suuq Cusub Furaya

Soomaaliya iyo Kenya oo xoojinaya ganacsiga, maalgashiga iyo isku-xirka dhaqaale.

Waxaa goor dhow Magaalada Muqdisho ka furmay wajiga labaad ee Shirka La-tashiga Hay’adaha Dowladda Federaalka, kaasoo diiradda lagu saarayo wax ka beddelka cutubyada 5aad ilaa 9aad ee Dastuurka Dalka. Shirka waxaa soo agaasimay hay’adaha dowladda ee ugu xil-saaran arrimaha wax ka beddelka Dastuurka, waxaana sidoo kale ka qayb galaya masuuliyiin sar sare oo ka tirsan […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Waxaa goor dhow Magaalada Muqdisho ka furmay wajiga labaad ee Shirka La-tashiga Hay’adaha Dowladda Federaalka, kaasoo diiradda lagu saarayo wax ka beddelka cutubyada 5aad ilaa 9aad ee Dastuurka Dalka.

Shirka waxaa soo agaasimay hay’adaha dowladda ee ugu xil-saaran arrimaha wax ka beddelka Dastuurka, waxaana sidoo kale ka qayb galaya masuuliyiin sar sare oo ka tirsan dowladda iyo xubno ka socota guddiga Baarlamaanka ee qaabilsan arrimaha Dastuurka.

- Advertisement -

Wajiga koowaad ee shirka, oo horay uga dhacay Muqdisho, ayaa si weyn loogu gorfeeyay arrimaha ku saabsan wax ka beddelka Dastuurka. Wajiga labaad ee hadda furmay ayaa si gaar ah diiradda loogu saarayaa dib u eegista iyo falanqeynta cutubyada 5aad ilaa 9aad ee Dastuurka, kuwaas oo si qoto dheer loogu lafa-guri doono.

Waxaa lagu wadaa in shirka uu noqdo mid muhiim ah, iyadoo la doondoonaayo sidii loo hagaajin lahaa qodobadaas, isla markaana loo waafajin lahaa baahida iyo duruufaha hadda jira ee dalka.

Guddiga Baarlamaanka u qaabilsan wax ka bedelka Dastuurka ayaa sidoo kale ka mid ah xubnaha ka qeyb galaya shirka, iyagoo ka qeyb qaadanaya doodaha iyo talo bixinta ku saabsan sidii loo dhameystiri lahaa tallaabooyinka lagu hagaajinayo Dastuurka.

- Advertisement -

Shirka ayaa ah fursad muhiim ah oo loogu talagalay in la xoojiyo wada-tashiga iyo isla-xisaabtanka dowladda iyo hay’adaha kale ee qeyb ka ah geedi socodka wax ka beddelka Dastuurka.

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts