HomeWararTaliyaha Booliska Soomaaliyeed iyo Duqa Muqdisho oo kulan yeeshay

Taliyaha Booliska Soomaaliyeed iyo Duqa Muqdisho oo kulan yeeshay

Date:

Related stories

Soomaaliya iyo Kenya oo Suuq Cusub Furaya

Soomaaliya iyo Kenya oo xoojinaya ganacsiga, maalgashiga iyo isku-xirka dhaqaale.

Daniel iyo Labada Hooyo: Xaqiiqada Sheekada

Daniel iyo labada hooyo: maxaa run ah, maxaase aan la xaqiijin?

Xasan Sheekh oo Belgrade Fariin Adag Ka Jeediyay

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa magaalada Belgrade uga qaybgalaya shir lagu xusayo 65-guuradii Dhaqdhaqaaqa Dalalka Aan Isbahaysiga Ahayn,

Koonfur Galbeed Oo Ansixisay Dib-u-eegista Miisaaniyadda 2026

Golaha Wakiillada Koonfur Galbeed ayaa ansixiyey dib-u-eegista miisaaniyadda 2026, kadib dood iyo falanqeyn dheer oo ku saabsan dakhliga, deeqaha iyo kharashaadka dowladda.

Maxay McDonald’s Iyo KFC Uga Cabsadeen Soomaaliya?

Inkasta oo Muqdisho ay ku badan yihiin burgerro, shawarma iyo digaag la shiilay, shirkadaha waaweyn sida McDonald’s, KFC iyo Starbucks weli si rasmi ah ugama howlgalaan Soomaaliya.

Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Sarreeye Guuto Asad Cismaan Cabdullaahi, Gudoomiyaha gobolka Banaadir Maxamed Axmed Amiir iyo Gudoomiyaha Maxkamadda gobolka Banaadir Saalax Cali Maxamuud ayaa kullan looga hadlayey xoojinta wada-shaqeynta Booliska iyo Maamulka gobolka ku yeeshay Magaalada Muqdisho. Taliyaha ayaa la wadaagay Gudoomiyaha gobolka Banaadir in uu diyaar la yahay is waafajinta qorshayaasha amaan ee Booliska […]

- Advertisement -

Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Sarreeye Guuto Asad Cismaan Cabdullaahi, Gudoomiyaha gobolka Banaadir Maxamed Axmed Amiir iyo Gudoomiyaha Maxkamadda gobolka Banaadir Saalax Cali Maxamuud ayaa kullan looga hadlayey xoojinta wada-shaqeynta Booliska iyo Maamulka gobolka ku yeeshay Magaalada Muqdisho.

Taliyaha ayaa la wadaagay Gudoomiyaha gobolka Banaadir in uu diyaar la yahay is waafajinta qorshayaasha amaan ee Booliska iyo maamulka cusub ee gobolka Banaadir, si kor loogu qaado amaanka Caasimadda  ee Muqdisho iyo guud ahaan gobolka Banaadir.

- Advertisement -

Gudoomiyaha gobolka Banaadir Maxamed Axmed Amiir ayaa Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Sarreeye Guuto Asad Cismaan Cabdullaahi uga mahadceliyey soo dhaweyntiisa, waxaana uu ku bogaadiyey isbadalada amni ee Boolisku sameeyeen, waxaana uu balan qaaday in wada-shaqeyn joogta ah yeelanayaan si looga baaqsado dal daloolkasta oo ragaadin kara amniga guud ee dalka gaar ahaan kan Gobalka Banaadir.

Latest stories