HomeWararDowladda Soomaaliya oo Tallaabo Ka Qaadaysa Shaqsiyaadkii Dilay Ciidamada Xoogga Dalka

Dowladda Soomaaliya oo Tallaabo Ka Qaadaysa Shaqsiyaadkii Dilay Ciidamada Xoogga Dalka

Date:

Related stories

FESTU oo Geneva ka qaylisay: Shaqaalaha iyo dhalinyarada Soomaaliyeed waa lagama maarmaan

FESTU: “Wadahadal la’aan ma jirto nabad” Geneva, Switzerland – 6...

TUBSAN iyo Talyaaniga oo xoojinaya dagaalka argagixisada

TUBSAN iyo Talyaaniga oo xoojinaya dagaalka argagixisada Muqdisho, 06 Juun...

Somalia Strengthens Ebola Preparedness Amid Regional Outbreak Risks

Somalia has stepped up Ebola preparedness, though no cases have been confirmed. The Ministry of Health has activated the National Public Health Emergency Operation Center and introduced electronic traveler health forms to strengthen border surveillance. Officials urge the public to remain calm, follow official health guidelines, and avoid misinformation.

Police Target illegal arms after deadly confrontation

Somali government security forces deployed across Mogadishu's Abdiaziz district...

Somali Police Display Weapons Cache After 20 Hours of Mogadishu Clashes

Somali police forces on Thursday showcased a large cache...
- Advertisement -

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa shaaca ka qaaday inay tallaabo sharci ah ka qaadi doonto shaqsiyaadkii ka dambeeyay dilka arxan-darrada ah ee dhawaan loo geystay Ciidamo ka tirsan Xoogga Dalka Soomaaliyeed, kuwaas oo lagu dilay gobolka Shabeellaha Dhexe.

Wasiirka Gaashaandhigga, Cabdulqaadir Maxamed Nuur, oo xalay warbaahinta la hadlay, ayaa si adag ugu digay cid kasta oo isku dayda inay qariso ama gacan ka siiso shaqsiyaadka fuliyay falkaasi. Wasiirka ayaa ku adkeystay in sharciga lala tiigsan doono dadkaas, isagoo sheegay in aysan jiri doonin cid ka badbaadi karta cadaaladda.

- Advertisement -

“Dilka loo geystay Ciidamada Xoogga Dalka waa mid aan laga aamusi karin. Waa mas’uuliyad saaran dowladda in ay si degdeg ah u raadiso dadka falkaasi foosha xun gaystay, iyagoo ku beegsaday Ciidanka qaab aano qabiil ah,” ayuu yiri Wasiirka Gaashaandhigga.

Dilalka oo ka dhacay deegaanka Ceelbaraf ayaa si weyn uga argagaxiyay bulshada Soomaaliyeed, maaddaama ay u arkeen fal lagu dhaawacayo midnimada iyo sumcadda Qaranka. Wasiir Cabdulqaadir ayaa sidoo kale xusay in falalkan aysan waxba u dhimeynin niyadda iyo geesinimada Ciidanka Xoogga Dalka, balse dowladdu ay ka shaqeyn doonto in cadaaladdu gaarto dhibbanayaasha.

Dowladda ayaa sheegtay inay ku raad joogto kooxaha dilka ka dambeeyay, iyadoo ballanqaaday in la marsiin doono ciqaabta ugu culus ee sharciga waafaqsan.

- Advertisement -

 

Latest stories