HomeWararDowladda Soomaaliya oo Tallaabo Ka Qaadaysa Shaqsiyaadkii Dilay Ciidamada Xoogga Dalka

Dowladda Soomaaliya oo Tallaabo Ka Qaadaysa Shaqsiyaadkii Dilay Ciidamada Xoogga Dalka

Date:

Related stories

Muqdisho oo Lagu Qabtay Madasha Amniga Internetka

Muqdisho waxaa ka furmay Madasha 4-aad ee Amniga Internet-ka Soomaaliya, oo ay soo qabanqaabiyeen NCA iyo Jaamacadda Muqdisho,

Soomaaliya oo Sheegtay in 55% Dhulkii AS Dib Loo Qabsaday

La-taliyaha Amniga Qaranka Soomaaliya, Aweys Xaaji Yuusuf Axmed, ayaa madasha Global Security Forum 2026 ee Doha ka sheegay in dowladda dib ula wareegtay in ka badan 55%

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa shaaca ka qaaday inay tallaabo sharci ah ka qaadi doonto shaqsiyaadkii ka dambeeyay dilka arxan-darrada ah ee dhawaan loo geystay Ciidamo ka tirsan Xoogga Dalka Soomaaliyeed, kuwaas oo lagu dilay gobolka Shabeellaha Dhexe. Wasiirka Gaashaandhigga, Cabdulqaadir Maxamed Nuur, oo xalay warbaahinta la hadlay, ayaa si adag ugu digay cid kasta oo […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa shaaca ka qaaday inay tallaabo sharci ah ka qaadi doonto shaqsiyaadkii ka dambeeyay dilka arxan-darrada ah ee dhawaan loo geystay Ciidamo ka tirsan Xoogga Dalka Soomaaliyeed, kuwaas oo lagu dilay gobolka Shabeellaha Dhexe.

Wasiirka Gaashaandhigga, Cabdulqaadir Maxamed Nuur, oo xalay warbaahinta la hadlay, ayaa si adag ugu digay cid kasta oo isku dayda inay qariso ama gacan ka siiso shaqsiyaadka fuliyay falkaasi. Wasiirka ayaa ku adkeystay in sharciga lala tiigsan doono dadkaas, isagoo sheegay in aysan jiri doonin cid ka badbaadi karta cadaaladda.

- Advertisement -

“Dilka loo geystay Ciidamada Xoogga Dalka waa mid aan laga aamusi karin. Waa mas’uuliyad saaran dowladda in ay si degdeg ah u raadiso dadka falkaasi foosha xun gaystay, iyagoo ku beegsaday Ciidanka qaab aano qabiil ah,” ayuu yiri Wasiirka Gaashaandhigga.

Dilalka oo ka dhacay deegaanka Ceelbaraf ayaa si weyn uga argagaxiyay bulshada Soomaaliyeed, maaddaama ay u arkeen fal lagu dhaawacayo midnimada iyo sumcadda Qaranka. Wasiir Cabdulqaadir ayaa sidoo kale xusay in falalkan aysan waxba u dhimeynin niyadda iyo geesinimada Ciidanka Xoogga Dalka, balse dowladdu ay ka shaqeyn doonto in cadaaladdu gaarto dhibbanayaasha.

Dowladda ayaa sheegtay inay ku raad joogto kooxaha dilka ka dambeeyay, iyadoo ballanqaaday in la marsiin doono ciqaabta ugu culus ee sharciga waafaqsan.

- Advertisement -

 

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts