HomeWararSomaliland iyo Itoobiya oo isugu tegay Wajaale kadib dagaalkii shalay

Somaliland iyo Itoobiya oo isugu tegay Wajaale kadib dagaalkii shalay

Date:

Related stories

Soomaaliya oo Laga Dooday Mustaqbalka Garaadka Gacmeedka

Xarunta Garaad Gacmeedka Ummadda Soomaaliyeed oo Qabatay Kulan Dood-cilmiyeed...

Modi oo Bogaadiyay Kabtan Smit Machchhar

Ra’iisul Wasaaraha Hindiya Narendra Modi ayaa ammaanay Kabtan Smit Machchhar, oo ahaa duuliyihii Flydubai ee dhaawacmay intii ay socotay dhacdo halis ah,

Somaliland iyo Dowlad Deegaanka Soomaalida ee Itoobiya ayaa ka wada hadlaya dagaallo sababay khasaaro badan, kuwaas oo maalmahan ka socday deegaan lagu magacaabo Dacawaleey. Wefdi ka socda Somaliland, oo uu hoggaaminayo Wasiirka Amniga Gudaha Cabdale Sandheere, ayaa saaka ka baxay Hargeysa, iyagoo ku soo wajahan Wajaale halkaas oo ay kulan kula yeelanayaan wefdi ka socda […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Somaliland iyo Dowlad Deegaanka Soomaalida ee Itoobiya ayaa ka wada hadlaya dagaallo sababay khasaaro badan, kuwaas oo maalmahan ka socday deegaan lagu magacaabo Dacawaleey.

Wefdi ka socda Somaliland, oo uu hoggaaminayo Wasiirka Amniga Gudaha Cabdale Sandheere, ayaa saaka ka baxay Hargeysa, iyagoo ku soo wajahan Wajaale halkaas oo ay kulan kula yeelanayaan wefdi ka socda dowladda Federaalka Itoobiya.

- Advertisement -

Wadahadalka ka socda labada dhinac ayaa waxaa lagu soo waramayaa in ay isku fahmi waayeen, taas oo keentay in dowladda Itoobiya ay si toos ah u farageliso arrintan. Kulanka labada dhinac ayaa diiradda lagu saari doonaa dagaalka ka dhacay deegaanka Dacawaley, kaas oo u dhexeeya ciidamada Liyuu Booliska iyo dadka deegaanka.

Maamulada Somaliland iyo Dowlad Deegaanka Soomaalida ee Itoobiya ayaa isku khilaafay sababta dagaalkan Dacawaley, taas oo ka dhigaysa in Somaliland ay kala arrinsato dowladda Federaalka Itoobiya.

Dagaalkii shalay ka dhacay ayaa sababay dhimasho iyo dhaawac badan, iyadoo labada dhinacna ay soo gaareen khasaare ba’an.

- Advertisement -

Sidoo kale, ciidamada Liyuu Booliska ayaa qafaashay odayaal kasoo baxay colaadda shalay, kuwaas oo doonayay inay isku dhexgalaan labada dhinac ee dagaalamaya. Odayaashaas waxaa lagu hayaa magaalada Jigjiga.

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts