HomeWararSoomaali badan oo ganacsato ah oo dhac iyo boob loogu geystay dalka...

Soomaali badan oo ganacsato ah oo dhac iyo boob loogu geystay dalka Mozambique

Date:

Related stories

FIFA to pay Somali referee after US entry bar disrupted World Cup role

World football governing body FIFA has taken an exceptional...

Galmudug demands consensus-led election amid tensions

Somalia’s Galmudug state has rejected any election model imposed...

UN releases $10 mln to avert famine in Somalia as hunger crisis

The United Nations has released $10 million from its...

Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka oo Qabatay Shirweynaha Labaad ee Garaad Gacmeedka Soomaaliya

Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka oo Qabatay Shirweynaha Labaad ee Garaad...
- Advertisement -

Soomaalida ku nool dalka Musambiiq ayaa waxaa soo foodsaartay cabsi la xiriirta bedqabka naftooda iyo maalkooda, ka dib markii ay dalkaas ku faafeen rabshado ay dhigayaan taageereyaasha mucaaradka.

Ugu yaraan 21 qof ayaa lagu dilay rabshado ka dhacay Mozambique tan iyo markii maxkamadda ugu sarreysa dalkaasi ay xaqiijisay guusha xisbiga talada haya ee Frelimo ee doorashooyin lagu muransan yahay, sida uu sheegay wasiirka arrimaha gudaha.

- Advertisement -

Dadka dhintay waxaa ku jira ugu yaraan laba sarkaal oo boolis ah, sida uu wasiirka arrimaha gudaha, Pascoal Ronda, ka sheegay shir jaraa’id Talaadadii.

Bannaanbaxyada ayaa billowday kadib markii Golaha Dastuuriga uu xaqiijiyay guusha xisbiga talada haya ee Frelimo. Dibadbaxayaasha iyo kooxaha mucaaradka ah ayaa ku andacoonaya in doorashadii 9-kii Oktoobar la musuqmaasuqay.

Hoggaamiyaha ugu weyn mucaaradka Mozambique, Venâncio Mondlane, ayaa ku dhawaaqay inuu isagu isku magacaabi doono madaxweyne 15-ka Janaayo, kaddib markii uu diiday guuldarradiisa doorashooyinka madaxtinnimada.

Latest stories