HomeWararMadaxweynaha Eritrea “Waa in la joojiyo faragelinta arrimaha gudaha Soomaaliya”

Madaxweynaha Eritrea “Waa in la joojiyo faragelinta arrimaha gudaha Soomaaliya”

Date:

Related stories

US Releases 600,000 Mosquitoes to Fight Mosquitoes

US Company Releases 600,000 Male Mosquitoes in New Effort to Control Disease-Carrying Species

Mareykanka Oo 600,000 Kaneecooyin Dagaal La Galaya.

Mareykanka ayaa bilaabay hab cusub oo lagula dagaallamayo kaneecada cudurrada gudbisa, iyadoo ilaa 600,000 oo kaneeco lab ah oo Wolbachia sidda lagu sii deynayo Washington DC iyo nawaaxigeeda.

Tababarka Gorgor oo lagu soo xiray Turkiga

Taliyaha Ciidanka Dhulka S/Guuto Sahal Cabdullaahi Cumar oo Turkiga kula soo xiray Guutada 21-aad ee Kumaandooska Gorgor,

Elite Gorgor Forces Complete Training in Türkiye

The Ground Forces Commander Brigadier General Sahal Abdullahi Omar...

Cabinet Officials Brace to Relinquish Kenyan Passports After Presidential Ultimatum

A mounting cohort of senior Somali government ministers is...

Madaxweynaha Eritrea, Isaias Afwerki, iyo Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa xalay wada-hadallo dheer oo saacado badan qaatay ka yeeshay Aqalka Madaxtooyada ee magaalada Asmara. Kulanka labada madaxweyne ayaa si qoto dheer loogu gorfeeyay xoojinta xiriirka labada dal, xaaladaha gobolka, iyo arrimaha caalamiga ah ee khuseeya Geeska Afrika. Madaxweyne Isaias Afwerki ayaa si cad u […]

- Advertisement -

Madaxweynaha Eritrea, Isaias Afwerki, iyo Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa xalay wada-hadallo dheer oo saacado badan qaatay ka yeeshay Aqalka Madaxtooyada ee magaalada Asmara. Kulanka labada madaxweyne ayaa si qoto dheer loogu gorfeeyay xoojinta xiriirka labada dal, xaaladaha gobolka, iyo arrimaha caalamiga ah ee khuseeya Geeska Afrika.

Madaxweyne Isaias Afwerki ayaa si cad u sheegay in ay lagama maarmaan tahay in la joojiyo faragelinta dibadda ee lagu hayo arrimaha gudaha Soomaaliya, isagoo tilmaamay in faragelintaasi ay sii xumeyneyso colaadaha iyo qalalaasaha ka jira gobolka. Waxa uu hoosta ka xariiqay in faragelintaasi ay khatar gelinayso nabadda Soomaaliya iyo guud ahaan danaha gobolka Geeska Afrika.

- Advertisement -

Kulankan, oo ahaa mid xasaasi ah, ayaa sidoo kale diiradda lagu saaray sidii labada dal u xoojin lahaayeen xiriirka iskaashiga ee taariikhiga ah, iyo sidii loo hubin lahaa xasilloonida iyo nabadda Soomaaliya. Labada madaxweyne ayaa si isku mid ah u caddeeyay in xasilloonida Soomaaliya ay muhiim u tahay nabadda iyo xasilloonida guud ee gobolka Geeska Afrika.

Madaxweynaha Eritrea ayaa sidoo kale xusay in heshiiskii saddex geesoodka ahaa ee Asmara, oo dhexmaray Soomaaliya, Masar, iyo Eritrea, uu ahaa tallaabo muhiim ah oo lagu xoojinayo xiriirka iskaashi ee taariikhiga ah, iyadoo sidoo kale loo dammaanad qaaday nabadda iyo xasilloonida Soomaaliya, iyo horumarinta danaha guud ee gobolka iyo Badda Cas.

Latest stories