HomeWararDuqa Cusub ee Muqdisho oo qaabilay Guddiga Madaxabanaan ee Doorashooyinka Qaranka

Duqa Cusub ee Muqdisho oo qaabilay Guddiga Madaxabanaan ee Doorashooyinka Qaranka

Date:

Related stories

Haweenka Suxufiyiinta Soomaaliya oo Weerarro Wajahaya

Suxufiyiin Soomaaliyeed oo Xarig iyo Jirdil Ka Cabanaya

SSUP oo Shir Siyaasadeed uga Qaybgalay Urdun

Xisbiga SSUP ee Soomaaliya oo ka qaybgalay shir siyaasadeed...

Muqdisho oo Lagu Qabtay Madasha Amniga Internetka

Muqdisho waxaa ka furmay Madasha 4-aad ee Amniga Internet-ka Soomaaliya, oo ay soo qabanqaabiyeen NCA iyo Jaamacadda Muqdisho,

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Maxamed Axmed Amiir ayaa Aqalka Dowladda Hoose ee Xamar ku qaabilay Guddiga Madaxabanaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Sohdimaha dalka oo uu hogaaminaayay Guddoomiyaha Guddigga Mudane Cabdikariin Axmed Xasan. Maamulka Gobolka Banaadir ayaa guddiga usoo bandhigay Himilooyinka iyo Ahdaafta Siyaasadeed oo uu ka leeyahay Doorashooyinka dalka, gaar ahaan […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Maxamed Axmed Amiir ayaa Aqalka Dowladda Hoose ee Xamar ku qaabilay Guddiga Madaxabanaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Sohdimaha dalka oo uu hogaaminaayay Guddoomiyaha Guddigga Mudane Cabdikariin Axmed Xasan.

Maamulka Gobolka Banaadir ayaa guddiga usoo bandhigay Himilooyinka iyo Ahdaafta Siyaasadeed oo uu ka leeyahay Doorashooyinka dalka, gaar ahaan doorashooyin toos ah oo ka dhaca Caasimadda Muqdisho iyo Doorka uu Maamulka Gobolka Banaadir ka qaadanaayo doorashooyinka Dowladdaha Hoose.

- Advertisement -

Sidoo kale kulanka ayaa lagu soo bandhigay diyaar garowga Maamulka Gobolka Banaadir ee dhinaca Wacyigelinta Bulshada, ka gacan siinta guddiga ee goobaha diiwaangelinta, goobaha codbixinta, iyo in guddiga laga gacan siiyo dhamaan hanaanka diyaarinta kheyraadka ee doorashada ku qabsoomi karto.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Maxamed Axmed Amiir ayaa guddiga u xaqiijiyay ka go’naashiyahiisa iyo ka mira-dhalinta Ajandayaasha iyo Qorshaha Doorashooyinka dalka, si Gobolka Banaadir ay ugu dhacdo doorasho qof iyo cod, taasi oo qeyb ka ah qorshayaashiisa hortabinta u leh, asigoona guddiga u cadeeyay in uu ka taageeri doonno dhinac weliba.

Ugu danbeyn Guddoomiyaha Guddiga Madaxabanaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Sohdimaha Mudane Cabdikariin Axmed Xasan ayaa boogaadiyay hanaanka diyaar-garowga Maamulka Gobolka Banaadir ee ku aadan in doorasho qof iyo cod ee ka dhacdo Caasimada dalka, asigoona sheegay in muddooyinkii ugu danbeeyay ay wadeen la-tashiyo bulsho, kulankaanna uu yahay kii ugu horeeyay oo ay la yeeshaan mid ka mid ah Maamulada dalka.

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts