HomeWararGuddoomiyaha Gobolka Banaadir oo kulan la qaatay dhalinyaro iyo Bahda Caafimaadka

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir oo kulan la qaatay dhalinyaro iyo Bahda Caafimaadka

Date:

Related stories

Haweenka Suxufiyiinta Soomaaliya oo Weerarro Wajahaya

Suxufiyiin Soomaaliyeed oo Xarig iyo Jirdil Ka Cabanaya

SSUP oo Shir Siyaasadeed uga Qaybgalay Urdun

Xisbiga SSUP ee Soomaaliya oo ka qaybgalay shir siyaasadeed...

Muqdisho oo Lagu Qabtay Madasha Amniga Internetka

Muqdisho waxaa ka furmay Madasha 4-aad ee Amniga Internet-ka Soomaaliya, oo ay soo qabanqaabiyeen NCA iyo Jaamacadda Muqdisho,

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Maxamed Axmed Amiir ayaa caawa kulan gaar ah oo talawadaag ah la qaatay qaar kamid Dhallinyarada, Aqoon yahanada Bahda Caafimaadka iyo Xirfadleyaal kale, kaas oo ka dhacay xarunta aqalka Dowladda Hoose ee Xamar. Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Amiir ayaa mid mid u dhageystay Aqoonyanadii kulanka ka qeyb […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Maxamed Axmed Amiir ayaa caawa kulan gaar ah oo talawadaag ah la qaatay qaar kamid Dhallinyarada, Aqoon yahanada Bahda Caafimaadka iyo Xirfadleyaal kale, kaas oo ka dhacay xarunta aqalka Dowladda Hoose ee Xamar.

Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Amiir ayaa mid mid u dhageystay Aqoonyanadii kulanka ka qeyb gashay, iyaga oo soo gudbiyay talooyinka iyo aragtidooda la xariirta horumarinta Caasimadda sida, Maamul wanaaga Amniga, Nadaafada, Caafimaadka, Waxbarashada, Dib u eegista adeegyada ay bixiso Dowladda Hoose ee Xamar, Dib u furista waddooyinaka xiran ee dhagaxyada lagu gooyay, ilaalinta dhulalka danta guud, Xal u helida maareynta biyaha Roobka, Dhismaha waddooyinka, Hirgalinta nidaamka Doorashooyinka iyo Xoojinta la dagaalanka musuq maasuqa.

- Advertisement -

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Maxamed Axmed Amiir ayaa sheegay in hirgalinta siyaasadiisa uu ku biirin doono talooyinka ay caawa soo gudbiyeen Dhallinyarada iyo Aqoonyahanadii uu caawa la kulmay islamarkaana ay ka go’an tahay fulinta adeegyo waxtar u leh bulshada iyo in Gobolkan iyo Magaaladan hesho xaquuq siyaasi ah iyo hirgalinta Doorashooyinka golaha Deegaanka.

Ugu dambeyn Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Maxamed Axmed Amiir ayaa ka codsaday Bulshada Caasimadda in ay la shaqeeyaan oo ay ku garab istaagaan sidii Magaalada ula tartami laheyd magaalooyinka dhigeeda ah ee horumaray.

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts