HomeWararDuqa Cusub ee Muqdisho oo Guddoomiyay Shirka Degmooyinka Gobolka Banaadir

Duqa Cusub ee Muqdisho oo Guddoomiyay Shirka Degmooyinka Gobolka Banaadir

Date:

Related stories

Soomaaliya oo Sheegtay in 55% Dhulkii AS Dib Loo Qabsaday

La-taliyaha Amniga Qaranka Soomaaliya, Aweys Xaaji Yuusuf Axmed, ayaa madasha Global Security Forum 2026 ee Doha ka sheegay in dowladda dib ula wareegtay in ka badan 55%

Soomaaliya oo Laga Dooday Mustaqbalka Garaadka Gacmeedka

Xarunta Garaad Gacmeedka Ummadda Soomaaliyeed oo Qabatay Kulan Dood-cilmiyeed...

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Maxamed Axmed Amiir ayaa guddoomiyay Shirka Degmooyinka Gobolka Banaadir oo looga hadlay Qorshaha dar-dargelinta Bilicda Caasimadda, wax ka qabashada Biyo qabadyada iyo biyo mareenada, Amniga iyo diyaar garowga doorasho qof iyo cod oo ka dhacda Gobolka Banaadir. Duqa Muqdisho ayaa shirka kusoo bandhigay Qorshayaasha hortabinta u leh […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Maxamed Axmed Amiir ayaa guddoomiyay Shirka Degmooyinka Gobolka Banaadir oo looga hadlay Qorshaha dar-dargelinta Bilicda Caasimadda, wax ka qabashada Biyo qabadyada iyo biyo mareenada, Amniga iyo diyaar garowga doorasho qof iyo cod oo ka dhacda Gobolka Banaadir.

Duqa Muqdisho ayaa shirka kusoo bandhigay Qorshayaasha hortabinta u leh oo ay ugu horeeyaan Magaalo Nabdoon, Nadiif ah, Cagaaran, Bulshada Caasimadda oo hesha adeegyada aas-aasiga ah iyo in talada dib loogu celiyo Bulshada si ay usoo doortaan hogaankooda.

- Advertisement -

Waxa uu sidoo kale ku dheeraaday ka go’naashiyahiisa ku aadan Hirgelinta Qorshayaashaasi uu ka leeyahay Caasimadda, asigoona kula dar-daarmay Maamulada Degmooyinka Gobolka Banaadir in si wadajir ah loogu wada-shaqeeyo Horumarinta Caasimadda, in bulshada si hufan oo daacadnimo ah loogu adeego loona dhimriyo dadka baahiyaha gaarka qaba iyo barakacayaasha ku nool Muqdisho.

Shirkan oo ay goobjoog ka ahaayeen Guddoomiye Kuxigeenada Maamulka Gobolka Banaadir ayaa inta uu socday lagu soo bandhigay Qorshaha u diyaar garowga Miisaaniyad sanadeedka 2025, qaab-dhismeedka Maamulada Degmooyinka, Qorshe howleedka sanadka 2025 iyo xoojinta horumarada dhinaca Amniga ee ka jira Caasimadda Muqdisho.

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts