HomeWararDagaal beeleed lagu gubay guryo iyo dhul daaqsimeed oo ka dhacay Mudug

Dagaal beeleed lagu gubay guryo iyo dhul daaqsimeed oo ka dhacay Mudug

Date:

Related stories

Somalia Strengthens Ebola Preparedness Amid Regional Outbreak Risks

Somalia has stepped up Ebola preparedness, though no cases have been confirmed. The Ministry of Health has activated the National Public Health Emergency Operation Center and introduced electronic traveler health forms to strengthen border surveillance. Officials urge the public to remain calm, follow official health guidelines, and avoid misinformation.

Police Target illegal arms after deadly confrontation

Somali government security forces deployed across Mogadishu's Abdiaziz district...

Somali Police Display Weapons Cache After 20 Hours of Mogadishu Clashes

Somali police forces on Thursday showcased a large cache...

Kenya cites security concerns, militant threats in maintaining Somalia border closure

Kenyan President William Ruto has said the border between...

Mogadishu airport operating normally, aviation authority says

Somalia's Civil Aviation Authority has dismissed reports that flight...
- Advertisement -

Ugu yaraan laba ruux ayaa ku dhintay, tiro kalena waa ku dhaawacantay dagaal beeleed ka qarxay degmada Xarfo ee gobolka Mudug. Xiisaddan oo salka ku haysa muran dhuleed iyo ceelal, ayaa si xun u saameysay deegaanka, iyadoo shalay la gubay ceel muhiim ah oo magaalada lahayd, sida ay inoo sheegeen goobjoogayaal.

Khasaaraha dagaalka ayaa sii kordhay, waxaana labada dhinac soo gaaray dhimasho iyo dhaawac, iyadoo xaaladda aan la saadaalin karin. Ilaa iyo hadda, ma jirto cid si toos ah u kala dhex gashay labada dhinac, waxaana laga cabsi qabaa in dagaalku uu sii xoogaysto.

- Advertisement -

Waxgaradka labada dhinac iyo maamulka Puntland weli wax war ah kama soo saarin dagaalkaasi, taasoo muujinaysa in xaaladda ay tahay mid aan si degdeg ah loo xalin karin.

Dagaalada noocaas ah ayaa badanaa kusoo laabta deegaannada miyiga ah, iyadoo dhul daaqsimeedyo ah ay si xun isugu dhexlaayaan, taasoo ka dhigaysa xalinta xiisadaha mid aad u adag.

Latest stories