HomeWararRW Ku Xigeenka oo ka qeyb galay soo bandhigga warbixin ka hadlaysay...

RW Ku Xigeenka oo ka qeyb galay soo bandhigga warbixin ka hadlaysay heerarka saboolnimada

Date:

Related stories

Somali Police Display Weapons Cache After 20 Hours of Mogadishu Clashes

Somali police forces on Thursday showcased a large cache...

Kenya cites security concerns, militant threats in maintaining Somalia border closure

Kenyan President William Ruto has said the border between...

Mogadishu airport operating normally, aviation authority says

Somalia's Civil Aviation Authority has dismissed reports that flight...

Mogadishu sees lull in fighting after mediation

Clashes between Somali government forces and opposition-aligned groups in...

Police say no protest allowed as fighting erupts in Mogadishu

Police in Somalia's capital Mogadishu said security forces were...
- Advertisement -

Ra’iisul Wasaare Ku Xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Saalax Axmed Jaamac, ayaa maanta ka qeyb galay munaasabad lagu soo bandhigayey warbixin ka hadlaysay heerarka saboolnimada, taas oo ay iska kaashadeen Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada iyo Hey’adda Istaatiistikada Qaranka.

Warbixinta ayaa soo bandhigaysa heerarka saboolnimada ee ka jira Soomaaliya iyo saameynta ay ku leedahay dhinacyada nolosha, sida waxbarashada, caafimaadka, iyo helitaanka adeegyada aasaasiga ah. Warbixintan ayaa qayb ka ah dadaallada dowladda ee lagu yaraynayo saboolnimada, iyadoo la isticmaalayo xog sugan oo horseedi karta qaadashada tallaabooyin wax ku ool ah.

- Advertisement -

Ra’iisul Wasaare Ku Xigeenka ayaa khudbaddiisa ku adkeeyay muhiimadda ay leedahay in la fahmo saboolnimada dhinacyadeeda kala duwan si loo dejiyo siyaasado waxtar leh oo wax ka taraya horumarinta nolosha shacabka Soomaaliyeed.

Dowladda Federaalka Soomaaliya waxaa ka go’an in ay hormuud u noqoto dadaallada lagu yareynayo saboolnimada, iyadoo la xoojinayo siyaasadaha iyo barnaamijyada u adeegaya danta guud.

Latest stories