HomeWararSSC Khaatumo oo farriin u dirtay Beesha Caalamka iyo dowldadda Federaalka kadib...

SSC Khaatumo oo farriin u dirtay Beesha Caalamka iyo dowldadda Federaalka kadib dagaalka Ceerigaabo

Date:

Related stories

Arab League slams Somaliland office opening in Jerusalem

Arab League Secretary-General Ahmed Aboul Gheit has condemned the...

Commander ousted after reported refusal to deploy troops

- Somali President Hassan Sheikh Mohamud has removed the...

Pirate attacks on two commercial ships thwarted off Somalia

Armed pirates attacked two commercial vessels in separate incidents...

Race intensifies for Somalia Lower House speaker post

Competition is intensifying for the position of Speaker of...
- Advertisement -

Maamulka SSC-Khaatumo ayaa si xooggan ugu eedeeyey Somaliland in ay ku qasbeyso in ka badan 50,000 oo qoys oo shacab ah inay ka barakacaan magaalada Ceerigaabo ee gobolka Sanaag, iyadoo ay sidoo kale sheegtay in Somaliland ay duullimaad iyo daandaansi ka waddo deegaannada SSC.

Eedeymahaasi ayaa waxaa lagu sheegay qoraal kasoo baxay Maamulka ku meelgaarka ah ee SSC-Khaatumo, kaas oo sidoo kale lala wadaagay Beesha Caalamka.

- Advertisement -

Qoraalka waxaa lagu xusay in dagaallada maalmahan ka socday magaalada Ceerigaabo ay ka dambeeyeen ciidamada Somaliland, kuwaas oo ay sheegeen inay fuliyeen duulaan qaawan oo ka dhan ah shacabka iyo maamulka SSC-Khaatumo.

Maamulka SSC-Khaatumo ayaa qoraalka ku tilmaamay xaaladda Ceerigaabo mid aad u xasaasi ah, isla markaasna u baahan in si degdeg ah ay Beesha Caalamka uga soo faragasho si looga hortago dhibaatooyin dheeraad ah.

Sidoo kale, qoraalka ayaa loogu baaqay Dowladda Federaalka Soomaaliya in ay soo faragaliso xaaladda ka jirta gobolka Sanaag, isla markaana ay sameyso tallaabooyin lagu joojinayo dagaalada iyo dhibaatada ka jirta deegaanka.

- Advertisement -

Dagaallada 4-kii maalmood ee xiriirka ah u dhexeeyay ciidamada Somaliland iyo kuwa SSC-Khaatumo ayaa ka dhashay barakac baahsan iyo khasaare nafeed iyo mid hantiyeed oo weyn.

Magaalada Ceerigaabo ayaa haatan wajahaysa xaalad dagaal, iyadoo dadka ku nool magaalada ay la tacaalayaan xaalad amni darro iyo cadaadis xooggan oo ka dhashay iska horimaadyo siyaasadeed iyo militeri.

 

Latest stories