HomeWararSoomaaliya iyo Itoobiya oo heshiis ka gaaray dhammaan  arrimahii la isku haystey

Soomaaliya iyo Itoobiya oo heshiis ka gaaray dhammaan  arrimahii la isku haystey

Date:

Related stories

Kenya disrupts Al-Shabaab attack plan, kills 11

Kenyan security forces killed at least 11 suspected Al-Shabaab...

President Mohamud off to Doha for Emir’s funeral

Somali President Hassan Sheikh Mohamud is heading to Qatar...

Iskaashi xooggan oo muhiim u ah xasilinta Soomaaliya

Safiirka Ingiriiska Charles King oo ka hadlay Aqoon-is-weydaarsiga 3S, isagoo sheegay in iskaashiga adag iyo hoggaaminta maxalliga ah ay muhiim u yihiin horumarka iyo xasilinta Soomaaliya.

Trump oo ku hanjabay inuu Iran “bur-buriyo” haddii la dilo

Trump oo ku hanjabay inuu Iran "bur-buriyo" haddii ay isku daydo dilkiisa, isagoo sheegay in 1,000 oo gantaal diyaar u yihiin. Xiisadda u dhexeysa Washington iyo Tehran ayaa sii kordheysa.

Markii lacagta caddaanka ah ay fashilantay, isku-xirka ayaa noqday lacag

Sida lacagta mobilada ah ay uga caawisay Soomaaliya inay...

Waxaa magaalada Ankara lagu soo gabagabeeyay shir uu garwadeen ka ahaa  Madaxweynaha dalka Turkiga Recep Tayip Erdogan una dhaxeeyey Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud Iyo Raiisul Wasaaraha Ethiopia Abiy Ahmed. Kulankan oo saacado badan socday ayaa waxaa labada dhinac ay ku heshiiyeen iyadoo lagu saleynayo War Murtiyeedka wadajirka ee shirka ka soo […]

- Advertisement -

Waxaa magaalada Ankara lagu soo gabagabeeyay shir uu garwadeen ka ahaa  Madaxweynaha dalka Turkiga Recep Tayip Erdogan una dhaxeeyey Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud Iyo Raiisul Wasaaraha Ethiopia Abiy Ahmed.

Kulankan oo saacado badan socday ayaa waxaa labada dhinac ay ku heshiiyeen iyadoo lagu saleynayo War Murtiyeedka wadajirka ee shirka ka soo baxay  in dhammaan  arrimahii la isku haystey sida heshiiskii  kihilaafka dhaliyay meesha laga saarey, ayna yihiin taariikh tagtey, labada dalna ay u bilaabaneyso bog cusub oo ku saleysan is qaddarin iyo dhowrista qaranimada, madaxbanaanida , midnimada iyo wadajirka dhuleed ee labada dal.

- Advertisement -

War Murtiyeedka ayaa waxaa sidoo kale lagu xusay in heshiis kasta oo dhacaya ay khasab tahay in loo soo maro Dowladda Federaalka ee Somalia.

Arrimaha la xiriira adeegsiga badaha oo ku kooban ganacsiga waxaa labada dal u mari doonaan hab sharciyeed labada dal faa’iido u leh oo qeyb ka qaadanaya horumarinta dhaqaalaha, laguna saleynayo dhowrista qaranimada, madaxbanaanida, midnimada iyo wadajirka dhuleed ee Somalia, si waafaqsan sharciga caalamiga ah.

DFS waxay si mug leh ugu mahadnaqeysaa Madaxweyne Erdogan, shacabka iyo dowladda Turkiga, martigelinta kulankan iyo dadaalkii ay muddada 8-da bilood ku bixiyeen ka mira dhalinta xasaraddan ka aloosneyd Geeska Afrika.

Latest stories