HomeWararMaxay tahay sababta Ciidanka Xoogga ay u faarujiyeen fariisimihii Raaskambooni?

Maxay tahay sababta Ciidanka Xoogga ay u faarujiyeen fariisimihii Raaskambooni?

Date:

Related stories

Mucaaradka oo caalamka kala hadlay khilaafka doorashada

Mucaaradka oo caalamka kala hadlay khilaafka doorashada Muqdisho, 9 Juun...

Sheekada Ninkii Ugu Horreeyay Ee Lacag Ku Qanciya Gabar

Sheekada Ninkii Ugu Horreeyay Ee Lacag Ku Qanciya Gabar Waxaa...

Koonfur Galbeed oo degmooyinka ku xoojinaysa adkaysiga abaarta

Koonfur Galbeed oo waayo-aragnimo abaareed la wadaagtay Muqdisho, 8 Juun...

FESTU oo Geneva ka qaylisay: Shaqaalaha iyo dhalinyarada Soomaaliyeed waa lagama maarmaan

FESTU: “Wadahadal la’aan ma jirto nabad” Geneva, Switzerland – 6...

TUBSAN iyo Talyaaniga oo xoojinaya dagaalka argagixisada

TUBSAN iyo Talyaaniga oo xoojinaya dagaalka argagixisada Muqdisho, 06 Juun...
- Advertisement -

Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in Ciidamada Xoogga Dalka ay ka saartay fariisimihii hore ee Jubbada Hoose, halkaasi oo shalay dagaal culus ka dhacay. Qoraal kasoo baxay Wasaaradda Gaashaandhigga ayaa lagu sheegay in banneeynta fariisimaha ay ahayd qorshe millateri oo la xiriira howlaha ciidanka.

Waxaa kaloo qoraalka lagu xusay in Ciidanka Xoogga aysan haysan amar ay dagaal kula galaan Axmed Madoobe, inkastoo uu dhacay dagaal lagu riiqmay oo dhex maray labada dhinac.

- Advertisement -

Qoraalka Wasaaradda Gaashaandhigga ayaa sidoo kale xusay in Dawladda Federaalka Soomaaliya ay amartay Ciidamada Qaranka inay kala wareegaan ATMIS oo ay halkaas dib uga baxaan, iyadoo looga gol lahaa in la badbaadiyo dhiigga iyo nolosha dadka Soomaaliyeed, gaar ahaan ciidamada Qaranka.

Sidoo kale, tallaabada ka bixitaanka fariisimaha Jubbada Hoose, gaar ahaan Raaskambooni, ayaa timid kadib markii Axmed Madoobe uu go’aansaday inuu isku hallaago Wiilal Soomaaliyeed oo dhiigoodu qiimo badan yahay. War-saxaafadeedka Wasaaradda Gaashaandhigga ayaa tilmaamay in Ciidamada Xoogga aysan haysan wax amar ah oo ay dagaal kula galaan cid aan ahayn AS, waxaana ay ku adkeeyeen inay fuliyaan waajibaadkooda qaranka ee ilaalinta dalka, dadka, iyo diinta.

Dagaalkii shalay ee ka dhacay Jubbaland iyo Dowladda Federaalka ayaa ahaa mid aad u xooggan, wuxuuna sababay khasaare badan.

- Advertisement -

Waxaa la sheegay in dagaalka uu dhacay saddex jeer, iyadoo wararka qaar sheegayaan in Jubbaland ay guulo ka gaartay dagaalka, iyagoo qabsaday goobihii lagu dagaalamay. Si kastaba ha ahaatee, xogta saxda ah ee dagaalka labada dhinac ayaa weli aan caddaan ahayn, marka laga reebo guulaha ay mid walba sheeganayaan.

Latest stories