HomeWararATMIS oo sheegtay in ay dhexdhexaad ka tahay muranka doorashada ee ka...

ATMIS oo sheegtay in ay dhexdhexaad ka tahay muranka doorashada ee ka taagan Kismaayo

Date:

Related stories

Muqdisho oo Lagu Qabtay Madasha Amniga Internetka

Muqdisho waxaa ka furmay Madasha 4-aad ee Amniga Internet-ka Soomaaliya, oo ay soo qabanqaabiyeen NCA iyo Jaamacadda Muqdisho,

Soomaaliya oo Sheegtay in 55% Dhulkii AS Dib Loo Qabsaday

La-taliyaha Amniga Qaranka Soomaaliya, Aweys Xaaji Yuusuf Axmed, ayaa madasha Global Security Forum 2026 ee Doha ka sheegay in dowladda dib ula wareegtay in ka badan 55%

War qoraal ah oo ay soo saareen ciidamada ATMIS ee Soomaaliya ka hawlgala ayaa waxa ay sheegeen in ay ka war heleen eedo loo jeediyay, kuwaas oo ku aadan ku lug lahaashahooda muran xooggan oo salka kui haya doorashooyinka Jubbaland oo ka taagan magaalada Kismaayo. ATMIS ayaa warkeeda ku tiri: “ATMIS waxay hoosta ka xariiqeysaa […]

- Advertisement -
- Advertisement -

War qoraal ah oo ay soo saareen ciidamada ATMIS ee Soomaaliya ka hawlgala ayaa waxa ay sheegeen in ay ka war heleen eedo loo jeediyay, kuwaas oo ku aadan ku lug lahaashahooda muran xooggan oo salka kui haya doorashooyinka Jubbaland oo ka taagan magaalada Kismaayo.

ATMIS ayaa warkeeda ku tiri: “ATMIS waxay hoosta ka xariiqeysaa dhexdhexaadnimadeeda iyo eex la’aanteeda ku aadan nidaamyada doorashooyinka Soomaaliya oo uu ka mid yahay kan lagu muran san yahay ee ka socda Jubbaland,”.

- Advertisement -

Magaalada Kismaayo ayaa waxaa ka taagan muran ku aadan doorashada madaxweynaha Jubbaland, iyada oo mucaaradku ay ka soo horjeedaan nidaamka doorashada ee ay qabanayaan guddi uu magacaabay maamulka Jubbaland ee haatan talada haya. Sidoo kale dowladda Soomaaliya ayaa ka soo horjeeda sida wax u socdaan.

Shalay ayaa qayb ka mid ah mucaaradku waxay ku dhawaaqeen “in ay madaxweyne doorteen”.

Dhanka kale waxaa iska hor imaad uu dhexmaray ilaalada mid ka mid ah musharrixiinta Kismaayo iyo ciidamada booliska ee Jubbaland, waxaana ku dhintay hal ruux oo ilaalo u ahaa musharraxa.

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts