HomeWararGolaha Wakiilada Puntland oo la xisaabtay Wasaaradda Dekedaha iyo Gaadiidka Badda

Golaha Wakiilada Puntland oo la xisaabtay Wasaaradda Dekedaha iyo Gaadiidka Badda

Date:

Related stories

The Economist oo Daaha Ka Rogtay Isbeddelka Amniga Caasimadda Soomaaliya

Warbixin cusub oo The Economist soo saartay ayaa tilmaamaysa hoos u dhac weyn oo ku yimid weerarrada Al-Shabaab ee Muqdisho, iyadoo weerarradii la diiwaangeliyay ay hoos uga dhaceen 144 ilaa 5.

Macallin Texas ah oo ooyay ka dib markii ardayda sare ay wax qori wayeen

Macallin ka tirsan dugsi sare oo Texas ah ayaa ilmeynaya kadib markii uu ka hadlay arday 17 iyo 18 jir ah oo weli la tacaalaya xirfadaha aasaasiga ah ee akhriska iyo qorista.

Saynisyahano Japan ah oo lo’ ku rinjiyeeyay si looga hortago duqsi

Saynisyahano Japan ah ayaa lo’ ku rinjiyeeyay xariijimo madow iyo caddaan ah oo u eg zebra, iyadoo tijaabadu muujisay in duqsigii ku degi jiray lo’da uu hoos u dhacay qiyaastii 50%. Tags:

Nin Kenya ah oo 26 dacwadood ku guulaystay isagoon shati qabin

Brian Mwenda Njagi ayaa Kenya caan ka noqday kadib markii lagu eedeeyay inuu qareen iska dhigay, haddana uu ku guulaystay 26 dacwadood oo isku xiga.

Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Puntland, Cabdirisak Axmed Siciid, ayaa maanta shir-guddoomiyey fadhiga Golaha Wakiillada. Fadhigan ayaa lagu lafa-guray la xisaabtanka Wasaaradda Dekedaha iyo Gaadiidka Badda dowlad Goboleedka Puntland. Intii uu socday fadhigu, Wasiirka Wasaaradda Dekedaha iyo Gaadiidka Badda Puntland Shaakir Maxamed Guulleed, Wasiir Ku-xigeenka, Wasiiru Dowlaha, Agaasimaha Guud, iyo saraakiisha kale, ayaa Golaha u soo bandhigay […]

- Advertisement -

Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Puntland, Cabdirisak Axmed Siciid, ayaa maanta shir-guddoomiyey fadhiga Golaha Wakiillada. Fadhigan ayaa lagu lafa-guray la xisaabtanka Wasaaradda Dekedaha iyo Gaadiidka Badda dowlad Goboleedka Puntland.

Intii uu socday fadhigu, Wasiirka Wasaaradda Dekedaha iyo Gaadiidka Badda Puntland Shaakir Maxamed Guulleed, Wasiir Ku-xigeenka, Wasiiru Dowlaha, Agaasimaha Guud, iyo saraakiisha kale, ayaa Golaha u soo bandhigay warbixin faahfaahsan oo ku saabsan waxqabadka wasaaradda, horumarka laga sameeyay adeegyada dekedaha, iyo caqabadaha haysta hawlgalka wasaaradda.

- Advertisement -

Guddoomiyaha Golaha Wakiillada ayaa sheegay in fadhigan uu qayb ka yahay nidaamka isla xisaabtanka hay’adaha Dawladda, si loo hubiyo in waajibaadka ay u xilsaaran tahay, qorshayaasha iyo baahiyaha iyo caqabadaha jira sidii wax looga qaban karo.

Wasiirka iyo mas’uuliyiinta kale ayaa sharaxaad ka bixiyey dadaallada joogtada ah ee wasaaradda, kuwaas oo lagu xoojinayo adeegsiga dekedaha Puntland, iyo qorshayaasha lagu horumarinayo kaabeyaasha gaadiidka badda. Waxaa sidoo kale laga hadlay caqabadaha jira iyo sidii xal waara loogu heli lahaa.

Xildhibaannada Golaha Wakiillada ayaa su’aalo ka weydiiyay madaxda wasaaradda arrimaha la xiriira waxqabadka iyo qorsheyaasha mustaqbalka. Golaha ayaa ku bogaadiyey wasaaradda horumarka la gaaray, iyadoo loo soo jeediyey talooyin muhiim ah oo lagu xoojinayo hawlaha mustaqbalka.

Latest stories