HomeWararDEG DEG: Askari Labo Nin oo Itoobiyaan ah ku dilay Magaalada Guriceel

DEG DEG: Askari Labo Nin oo Itoobiyaan ah ku dilay Magaalada Guriceel

Date:

Related stories

Soomaaliya oo Laga Dooday Mustaqbalka Garaadka Gacmeedka

Xarunta Garaad Gacmeedka Ummadda Soomaaliyeed oo Qabatay Kulan Dood-cilmiyeed...

Modi oo Bogaadiyay Kabtan Smit Machchhar

Ra’iisul Wasaaraha Hindiya Narendra Modi ayaa ammaanay Kabtan Smit Machchhar, oo ahaa duuliyihii Flydubai ee dhaawacmay intii ay socotay dhacdo halis ah,

Faahfaahino dheeri ah ayaa kasoo baxaya dhacdo toogasho ah oo saaka ka dhacday magaalada Guriceel ee gobolka Galgaduud. wararka aan helnay ayaa xaqiijinaya in nin Itoobiyaan ah lagu dilay goob garaash ah oo gawaarida la dhigto, halka mid kale uu dhaawac halis ah soo gaaray. Labadan qof ayaa la sheegay inay ka mid ahaayeen shaqaalaha […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Faahfaahino dheeri ah ayaa kasoo baxaya dhacdo toogasho ah oo saaka ka dhacday magaalada Guriceel ee gobolka Galgaduud. wararka aan helnay ayaa xaqiijinaya in nin Itoobiyaan ah lagu dilay goob garaash ah oo gawaarida la dhigto, halka mid kale uu dhaawac halis ah soo gaaray.

Labadan qof ayaa la sheegay inay ka mid ahaayeen shaqaalaha ka shaqeeya garaashkaas, sida ay dadka degaanku sheegeen.

- Advertisement -

Sida la sheegay, nin ku lebisan dharka ciidanka ayaa si lama filaan ah u weeraray labada nin ee Itoobiyaanka ah, hase yeeshee lama oga sababta ka dambeysa falkaas.

Dhacdadan argagaxa leh ayaa si gaar ah uga dhacday Waaxda Istarliin, Xaafadda Wadajir ee degmada Guriceel.

Ciidamada ammaanka ayaa durbadiiba gaaray goobta ay toogashadu ka dhacday, iyagoo weli ku guda jira baaritaan ballaaran oo lagu ogaanayo sababta dhabta ah ee ninka weerarka geystay ku kalliftay falkaas dhimashada iyo dhaawaca keenay.

- Advertisement -

Baaritaannada socda ayaa la filayaa in ay iftiimiyaan xaaladda oo dhan iyo cidda ka dambeysa falka, isha ayaa lagu hayaa natiijada baaritaanka iyo tallaabooyinka ay qaadi doonaan laamaha ammaanka.

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts