HomeWararMadaxweynihi hore ee Mareykanka Donald Trump oo Iskuday dil ka bad baaday

Madaxweynihi hore ee Mareykanka Donald Trump oo Iskuday dil ka bad baaday

Date:

Related stories

Soomaaliya oo Sheegtay in 55% Dhulkii AS Dib Loo Qabsaday

La-taliyaha Amniga Qaranka Soomaaliya, Aweys Xaaji Yuusuf Axmed, ayaa madasha Global Security Forum 2026 ee Doha ka sheegay in dowladda dib ula wareegtay in ka badan 55%

Soomaaliya oo Laga Dooday Mustaqbalka Garaadka Gacmeedka

Xarunta Garaad Gacmeedka Ummadda Soomaaliyeed oo Qabatay Kulan Dood-cilmiyeed...

Madaxweynihi hore ee Mareykanka ayaa ka badbaaday isku-day kale oo lagu khaariji rabay, xilli uu ku sugnaa beertiisa ciyaarta golf-ka lagu dheelo ee ku taalla magaalada West Palm Beach ee gobolka Florida. Ciidanka ilaalada qarsoon ayaa sheegay, in ay arkeen nin hubeysan oo isku qarinayay juq u dhaw halka uu golf-ka ku ciyaarayay Trump, kaddibna […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Madaxweynihi hore ee Mareykanka ayaa ka badbaaday isku-day kale oo lagu khaariji rabay, xilli uu ku sugnaa beertiisa ciyaarta golf-ka lagu dheelo ee ku taalla magaalada West Palm Beach ee gobolka Florida.
Ciidanka ilaalada qarsoon ayaa sheegay, in ay arkeen nin hubeysan oo isku qarinayay juq u dhaw halka uu golf-ka ku ciyaarayay Trump, kaddibna ay rasaas ku fureen, ka hor inta uusan cararin.

Saraakiisha amniga ayaa sheegay, in ninka falkan looga shakisanyahay uu goobta uga tagay qori nuuca daran-doorriga u dhaca iyo qalab kale, ka hor inta uusan ku cararin baabuur uu watay. Saraakiisha waxay kaloo sheegeen in Trump uusan wax dhaawac ah soo gaarin.

- Advertisement -

Waa isku-daygi labaad oo lagu dili rabay madaxweynihi hore ee Mareykanka Donald Trump oo ay fashilinayaan ciidamada ammaanka muddo 9 todobaad gudahood ah.
Trump oo ah murashaxa xisbiga Jamhuuriga ee doorashada madaxtinimada Mareykanka ee dhici doonta 5-ta bisha November ee soo socota, ayaa isna qoraal kooban uu soo saaray ku sheegay, in uu badqabo oo uu wanaagsanyahay.

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts