HomeWararGudiga Maaliya labada Aqal ee BF Soomaaliya maxay kala hadleen masuuliyiinta Hanti...

Gudiga Maaliya labada Aqal ee BF Soomaaliya maxay kala hadleen masuuliyiinta Hanti dhawrka Guud iyo Xisaabiyaha Qaranka.

Date:

Related stories

Uganda oo ogolaatay inay ka qayb qaadato howlgalka nabad-ilaalinta ee Gaza

Uganda oo ogolaatay inay ka qayb qaadato howlgalka nabad-ilaalinta ee Gaza kaddib codsi Trump, iyadoo dalal kale ay weheliyaan.

Xuutiyiinta oo jebisay xabbad joojin 4 sano ah kadib weerarkii Abha

Xuutiyiinta oo weerartay Garoonka Caalamiga ah ee Abha, iyagoo jebiyay xabbad-joojin 4 sano ah. Xiisadda u dhaxaysa Sacuudiga iyo Xuutiyiinta ayaa sii kordheysa kaddib weerarkii Sanaa.

Soomaaliya oo ECOSOC ku soo bandhigtay horumarkeeda

Wasiirka Qorsheynta Maxamuud Beenebeene oo ECOSOC ku soo bandhigay guulaha Soomaaliya, isagoo xusay NTP 2025–2029 iyo horumarka laga gaaray dimuqraadiyadda, dhaqaalaha iyo dowlad-dhiska.

Blanche oo jidka ugu jira Sanduuqa $1.8 bilyan oo la tirtiray

Todd Blanche oo la filayo inuu si fudud u xaqiijisto hay'adaha sare ee Maraykanka inkastoo uu wehliyo culeysyo kala duwan, iyadoo ay jirto su'aal ku saabsan madax-banaanida Wasaaradda Caddaaladda.

Guddiyada Maaliyadda ee Labada Aqal ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta kulamo gaar gaar ah la yeeshay mas’uuliyiin ka socday xafiisyada Hanti dhowraha Qaranka iyo Xisaabiyaha guud ee dalka.Masuuliyiintan ayaa waxaa kala hoggaaminaayay mudane Axmed Ciise Guutaale oo ah Hanti dhowraha Qaranka iyo mudane Cabdiraxmaan Maxamed Anas oo ah Xisaabiyaha guud ee dalka. Xubnaha […]

- Advertisement -

Guddiyada Maaliyadda ee Labada Aqal ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta kulamo gaar gaar ah la yeeshay mas’uuliyiin ka socday xafiisyada Hanti dhowraha Qaranka iyo Xisaabiyaha guud ee dalka.Masuuliyiintan ayaa waxaa kala hoggaaminaayay mudane Axmed Ciise Guutaale oo ah Hanti dhowraha Qaranka iyo mudane Cabdiraxmaan Maxamed Anas oo ah Xisaabiyaha guud ee dalka.

Xubnaha guddiyada maaliyadda labada aqal ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa Hanti dhowraha iyo Xisaabiyaha guud waxa ay ka dhagaysteen warbixino ku saabsan Mashaariicda dalka, halka ay marayaan iyo caqabadaha hor taagan fulintooda.

- Advertisement -

Sidoo kale xubnaha labada guddi ayaa mas’uuliyiinta xafiisyadan weydiiyay doorka labada xafiis uu ku leeyahay mashaariicda dalka ka socota iyo fulintooda.

Guddiyada Maaliyadda ee Labada Aqal ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa ayaa maalmihii dambe waday kulamo ku saabsan mashaariicda ku jirto miisaaniyadda Qaranka.

Latest stories