HomeWararKamala Harris oo qaaday talaabooyin yaableh tan iyo markii loo doortay in...

Kamala Harris oo qaaday talaabooyin yaableh tan iyo markii loo doortay in ay madaxweynimo u loolanto.

Date:

Related stories

Soomaaliya oo Laga Dooday Mustaqbalka Garaadka Gacmeedka

Xarunta Garaad Gacmeedka Ummadda Soomaaliyeed oo Qabatay Kulan Dood-cilmiyeed...

Modi oo Bogaadiyay Kabtan Smit Machchhar

Ra’iisul Wasaaraha Hindiya Narendra Modi ayaa ammaanay Kabtan Smit Machchhar, oo ahaa duuliyihii Flydubai ee dhaawacmay intii ay socotay dhacdo halis ah,

Madaxweyne ku xigeenka Mareykanka Kamala Harris ayaa difaacday isbedellada ay sameeyeen siyaasadda muddo xilleedka iyada iyo madaxweyne Biden iyo wakhtigeeda Aqalka Cad xilli ay bixinaysay warraysigii ugu horreeyay tan iyo markii ay noqotay musharaxa xisbiga Dimuqraadiga. Harris ayaa ku dooday in maamulka madaxweyne Biden uu awooday in uu yareeyo qulqulka dadka xuduudaha kasoo gudbaya ee […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Madaxweyne ku xigeenka Mareykanka Kamala Harris ayaa difaacday isbedellada ay sameeyeen siyaasadda muddo xilleedka iyada iyo madaxweyne Biden iyo wakhtigeeda Aqalka Cad xilli ay bixinaysay warraysigii ugu horreeyay tan iyo markii ay noqotay musharaxa xisbiga Dimuqraadiga.

Harris ayaa ku dooday in maamulka madaxweyne Biden uu awooday in uu yareeyo qulqulka dadka xuduudaha kasoo gudbaya ee sharci darrada ah bilahii lasoo dhaafay iyo in uu dhaqaalaha dib-u-soo nooleeyo kadib xanuunkii baahsanaa ee COVID-19.

- Advertisement -

Ms Harris waxay ku doodday in maamulka Biden uu awooday inuu yareeyo xuduudaha sharci darrada ah bilihii la soo dhaafay oo uu “ka soo kabsado dhaqaalaha” kadib masiibada.

Waxay ugu yeedhay siyaasadaha Aqalka Cad “guul”, si gaar ah waxay farta ugu fiiqday hoos u dhaca kharashka daawada iyo heerka shaqo la’aanta: “Taasi waa shaqo wanaagsan. Waxaana jira wax badan oo ay tahay in aan qabanno.”

Ms Harris waxa ay ka soo muuqatay waraysi hore loo duubay oo CNN oo ay la yeelatay iyada ku xigeenkeeda, gudoomiyaha gobolka Minnesota Tim Walz. Waxuuna ahaa kii ugu horreeyay ee noociisa ah tani iyo markii ay noqotay musharax madaxweyne.

- Advertisement -

Ms Harris ayaa sidoo kale wax laga weydiiyay dagaalka Gaza, waxayna ku celisay mawqifka Aqalka Cad ee ah in Israa’iil iyo Xamaas labaduba ay “heshiiyaan” iyo in Falastiiniyiintu ay mudan yihiin inay yeeshaan waddankooda oo deris la ah Israa’iil.

“Dagaalkan waa in la soo afjaraa, waana in aan helnaa heshiis ku saabsan soo daynta la haystayaasha,” ayay tidhi

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts