HomeWararGolaha Wasiirada oo ansixiyay Xeerka Doorashooyinka Soomaaliya

Golaha Wasiirada oo ansixiyay Xeerka Doorashooyinka Soomaaliya

Date:

Related stories

Soomaaliya oo Laga Dooday Mustaqbalka Garaadka Gacmeedka

Xarunta Garaad Gacmeedka Ummadda Soomaaliyeed oo Qabatay Kulan Dood-cilmiyeed...

Modi oo Bogaadiyay Kabtan Smit Machchhar

Ra’iisul Wasaaraha Hindiya Narendra Modi ayaa ammaanay Kabtan Smit Machchhar, oo ahaa duuliyihii Flydubai ee dhaawacmay intii ay socotay dhacdo halis ah,

Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta yeeshay kulankooda toddobaadlaha ah, oo Shir-guddoominayey Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre. Shirka Golaha Wasiirada ayaa lagu ansixiyay labo xeer oo muhiimad gaar ah u leh shacabka Soomaaliyeed, kuwaasi oo kala ah Xeerka Doorashooyinka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya iyo Xeerka Ururrada iyo Xisbiyada Siyaasadda […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta yeeshay kulankooda toddobaadlaha ah, oo Shir-guddoominayey Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre.

Shirka Golaha Wasiirada ayaa lagu ansixiyay labo xeer oo muhiimad gaar ah u leh shacabka Soomaaliyeed, kuwaasi oo kala ah Xeerka Doorashooyinka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya iyo Xeerka Ururrada iyo Xisbiyada Siyaasadda oo lagu hagayo hannaanka doorashooyinka dalka.

- Advertisement -

Labadan sharci ayaa hagi doona hanaanka doorasho ee dalka, waxayna shacabka Soomaaliyeed u suurtagelinayaan inay doortaan madaxda matali doonta qaranka.

Afhayeenka XFS Mudane Farxaan Maxamed Jimcaale oo ka hadlay muhiimada ay shacabka Soomaaliyeed u leeyihiin xeerarka maanta goluhu ansixiyey ayaa yiri:

“Xeerka doorashadu waxa uu farayaa in dalka ay ka qabsoonto doorasho Qof iyo Cod ah oo dalka oo dhan ka dhaca, muwaadin kastaa waxa uu xaq u siinayaa in uu u codeeyo qofka doonaya in uu qabto hogaanka dalka”.

- Advertisement -

Afheyeenka ayaa intaa ku daray in xeerarka maanta la ansixiy ay dalka ka gudbin doonaan hanaankii hore ee doorashooyinka ee dadbanaa oo mudada dheer lagu soo caana maaliyay dalka.

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts