HomeWararDalka Yeman Ugu yaraan 40 qof ayaa ku dhinteen daadad ka dhashay...

Dalka Yeman Ugu yaraan 40 qof ayaa ku dhinteen daadad ka dhashay Roob mahiigan ah

Date:

Related stories

Soomaaliya oo Laga Dooday Mustaqbalka Garaadka Gacmeedka

Xarunta Garaad Gacmeedka Ummadda Soomaaliyeed oo Qabatay Kulan Dood-cilmiyeed...

Modi oo Bogaadiyay Kabtan Smit Machchhar

Ra’iisul Wasaaraha Hindiya Narendra Modi ayaa ammaanay Kabtan Smit Machchhar, oo ahaa duuliyihii Flydubai ee dhaawacmay intii ay socotay dhacdo halis ah,

Waraka ka imanaya dalka Yemen ayaa sheegaya, in ugu yaraan 40 qof ay ku dhinteen daadad ka dhashay roob mahiigan oo horraanti todobaadkan ka da’ay galbeedka dalka Yemen. Saraakiisha maamulka Xuutiyiinta iyo shaqaalaha gargaarka ayaa xaqiijiyay tirada dadka ku naf-waayay daadadka, waxay kaloo sheegeen in qoysas daganaa ilaa 500 oo guri oo ku yaalla gobolka […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Waraka ka imanaya dalka Yemen ayaa sheegaya, in ugu yaraan 40 qof ay ku dhinteen daadad ka dhashay roob mahiigan oo horraanti todobaadkan ka da’ay galbeedka dalka Yemen.

Saraakiisha maamulka Xuutiyiinta iyo shaqaalaha gargaarka ayaa xaqiijiyay tirada dadka ku naf-waayay daadadka, waxay kaloo sheegeen in qoysas daganaa ilaa 500 oo guri oo ku yaalla gobolka Xudeydah la daad-gureeyay, isla markaana waddooyin badan ay biyuhu gooyeen.

- Advertisement -

Xafiiska Isku-duwidda gargaarka bani’aadannimo ee Qaramada Midoobay ee loo soo gaabdho (OCHA) ayaa Arbacadi sheegay, in ay hey’adaha bah-wadaagta kula ah gargaarka ay billaabeen in ay gargaar u diraan Xudeyda, xilli ay taagan tahay baahi deg deg ah oo ay qabaan qoysaska ay daadadku barakiciyeen.

Gobolka Xudeyda ayaa ka mid ah gobollada ay maamulaan Xuutiyiinta. Waxa uu leeyahay dekadda ugu weyn Yemen, taas oo Xuutiyiintu loo soo marsiiyo hubka uga yimaada Iran.

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts