HomeWararDowlada Soomaaliya oo qaaday tallaabo culus oo lagula xisaabtamaayo saraakiisha amniga dalka

Dowlada Soomaaliya oo qaaday tallaabo culus oo lagula xisaabtamaayo saraakiisha amniga dalka

Date:

Related stories

Soomaaliya oo Laga Dooday Mustaqbalka Garaadka Gacmeedka

Xarunta Garaad Gacmeedka Ummadda Soomaaliyeed oo Qabatay Kulan Dood-cilmiyeed...

Modi oo Bogaadiyay Kabtan Smit Machchhar

Ra’iisul Wasaaraha Hindiya Narendra Modi ayaa ammaanay Kabtan Smit Machchhar, oo ahaa duuliyihii Flydubai ee dhaawacmay intii ay socotay dhacdo halis ah,

Dowlada Somaaliya ayaa shaaca ka qaaday,n la qaadday tallaabooyin adag oo lagula xisaabtamayo saraakiishii shaqada ku lahayd goobaha la weeraray.Sidoo kale waxa ay dowladu si adag u canbaaraysay weerarka Al Shabaab ku qaadeen,Xeebta Liido ee magaalada Muqdisho iyagoo ku tilmaamay”Weerar bahalnmimo ah” Qoraal lagu baahiyay Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha,Soomaaliya ayaa lagu yidhi”Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Dowlada Somaaliya ayaa shaaca ka qaaday,n la qaadday tallaabooyin adag oo lagula xisaabtamayo saraakiishii shaqada ku lahayd goobaha la weeraray.Sidoo kale waxa ay dowladu si adag u canbaaraysay weerarka Al Shabaab ku qaadeen,Xeebta Liido ee magaalada Muqdisho iyagoo ku tilmaamay”Weerar bahalnmimo ah”
Qoraal lagu baahiyay Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha,Soomaaliya ayaa lagu yidhi”Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, oo caawa ku booqday isbitaalka Erdogan shacabka ku dhaawacmay falkii bahalnimada ee kooxaha khawaarijta ah ay xalay Xeebta Liido, ayaa sheegay in la qaadday tallaabooyin adag oo lagula xisaabtamayo saraakiishii shaqada ku lahayd goobaha la weeraray, qaarkoodna ay xiran yihiin”.

Qoraalka oo sii socda ayaa lagu sheegay in markii ay jabeen kooxaha kaso horjeeda nabada,Soomaaliya ay shacabka gumaadayaan”Ra’iisul Wasaaraha ayaa sheegay in markii lagu jabiyey goobaha dagaalka ay kooxaha Khawaaarijtu beegsadeen dhallinyaradii ahaa indhaha iyo mustaqbalkii dalka oo aan siyaasad shaqo ku lahayn, si nabad ahna ugu caweynayey dalkooda, taas oo muujinaysa in aysan lahayn diin, dhaqan iyo akhlaaq midna, una taagan yihiin dabargoynta shacabka Soomaaliyeed”.

- Advertisement -

Xamsa ayaa uga tacsiyeeyey ehellada iyo asxaabta dadkii ku dhintay weerarka, isaga oo ugu duceeyey in Ilaahay naxariista Janno ka waraabiyo, kuwa dhaawacmayna u boogo dhayo.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa guud ahaan dadka Soomaaliyeed ugu baaqay in ay sii xoojiyaan garab istaagga ay u fidinayaan ciidamada iyo hey’adaha ammaanka, si loo ciribtiro Al Shabaab.Intii uu booqashadiisa ku guda jiray, Ra’iisul Wasaaraha ayaa la kulmay qaar ka mid ah dadka ku dhaawacmay weerarka, waxa uu warbixin ka dhageystay maamulka iyo dhaqaatiirka Isbitaalka, isaga oo u muujiyey taageero iyo garab istaag. Waxa uu sidoo kale ku ammaanay ciidamada ammaanka doorkii ay ka qaateen badbaadinta iyo caawinta shacabka ay wax yeelladu soo gaartay.

 

- Advertisement -

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts