HomeWararMadaxwaynaha Soomaaliya oo shaaciyay hal arin oo ay ku xiran tahay midnimo...

Madaxwaynaha Soomaaliya oo shaaciyay hal arin oo ay ku xiran tahay midnimo Soomaaliyeed.

Date:

Related stories

Soomaaliya oo Laga Dooday Mustaqbalka Garaadka Gacmeedka

Xarunta Garaad Gacmeedka Ummadda Soomaaliyeed oo Qabatay Kulan Dood-cilmiyeed...

Modi oo Bogaadiyay Kabtan Smit Machchhar

Ra’iisul Wasaaraha Hindiya Narendra Modi ayaa ammaanay Kabtan Smit Machchhar, oo ahaa duuliyihii Flydubai ee dhaawacmay intii ay socotay dhacdo halis ah,

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo casho sharaf ku maamuusay Culumaa’udiinka ka qayb galay Shirweynaha Labaad ee Culumaa’udiinka Soomaaliyeed ayaa soo dhoweeyay War-murtiyeedka ka soo baxay Shirweynaha culumaa’udiinka, isaga oo kula dardaarmay in ay xoojiyaan midnimada dhexdooda ah, si loo helo midnimo Soomaaliyeed oo waarta. Madaxweynaha ayaa uga mahad celiyay Culumaa’udiinka sida […]

- Advertisement -
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo casho sharaf ku maamuusay Culumaa’udiinka ka qayb galay Shirweynaha Labaad ee Culumaa’udiinka Soomaaliyeed ayaa soo dhoweeyay War-murtiyeedka ka soo baxay Shirweynaha culumaa’udiinka, isaga oo kula dardaarmay in ay xoojiyaan midnimada dhexdooda ah, si loo helo midnimo Soomaaliyeed oo waarta.
Madaxweynaha ayaa uga mahad celiyay Culumaa’udiinka sida midnimada leh ee ay dowladda ugu garab istaageen ilaalinta Diinta, Dhaqanka suuban iyo Nolosha muwaadiniinta Soomaaliyeed, waxa uuna ku booriyay in ay adkeeyaan doorkooda ku aaddan jiheynta ummadda, adkaynta dowladnimada, horumarinta dalka iyo wacyi galinta bulshada.
“Culumaa’udiinka Soomaaliyeed waa hoggaamiyaasha Ummadda waxaana la idinka sugayaa in aad dadka u jiheysaan dariiqa nabadda, amniga iyo dowladnimada. Nabad, midnimo iyo horumar ay dadka Soomaaliyeed gaaraan waxa ay ku xiranyihiin in la helo Culumaa’udiin Soomaaliyeed oo mid ah”.
Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa Culumaa’udiinka ku adkeeyay xoojinta dadaalkooda ku qotoma la dagaallanka Khawaarijta, ka hor tagga afkaaraha qaldan ee ay faafiyaan iyo isku soo dhoweynta bulshada Soomaaliyeed ee ku kala irdhowday colaadaha sokeeye.

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts