HomeWararTirada dadka ku dhintay dhul go’ii Itoobiya oo gaartay kor u dhaaftey...

Tirada dadka ku dhintay dhul go’ii Itoobiya oo gaartay kor u dhaaftey 220 qof

Date:

Related stories

Soomaaliya oo Laga Dooday Mustaqbalka Garaadka Gacmeedka

Xarunta Garaad Gacmeedka Ummadda Soomaaliyeed oo Qabatay Kulan Dood-cilmiyeed...

Modi oo Bogaadiyay Kabtan Smit Machchhar

Ra’iisul Wasaaraha Hindiya Narendra Modi ayaa ammaanay Kabtan Smit Machchhar, oo ahaa duuliyihii Flydubai ee dhaawacmay intii ay socotay dhacdo halis ah,

Dalka Itoobiya, waxaa korortay tirada dadka ku dhintay laba dhul go’ oo Axaddii iyo Isniintii ka kala dhacay gobolka Koofureed ee dalkaasi dhaca bariga Africa. Saraakiisha Dowladda Itoobiya ayaa sheegay in tirada meydadka laga soo saaray dhoobada hoosteeda ay kor u dhaafeen 229 qof, walina laga cabsi qabo in ay jiraan tobnaan kale oo ku […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Dalka Itoobiya, waxaa korortay tirada dadka ku dhintay laba dhul go’ oo Axaddii iyo Isniintii ka kala dhacay gobolka Koofureed ee dalkaasi dhaca bariga Africa.

Saraakiisha Dowladda Itoobiya ayaa sheegay in tirada meydadka laga soo saaray dhoobada hoosteeda ay kor u dhaafeen 229 qof, walina laga cabsi qabo in ay jiraan tobnaan kale oo ku aasan dhoobada.

- Advertisement -

Kassahun Abayneh oo ah afhayeenka maamulka degmada Gofa ee ismaamulka Gobolka Koofureed ee Itoobiya, ayaa wakaaladda wararka ee Reueters u sheegay in roobab mahiigaan ah oo Axaddii da’ay ay sababeen dhul go’a khasaaraha dhaliyay.

Madaxda Waaxda Misoobiyinka Qaran ee magaalada Gofa, Markos Melese ayaa isna Rueters u sheegay, in in ay wali helayaan meydad hor leh isla markaana aysan garaneyn xilliga ay jooji doonaan howlaha gurmadka.

Khasaaraha xooggiisa ayaa dhacay Isniintii, kaddib marki dad gurmad ahaan ugu yimid badbaadinta dhibanayaashi ku waxyeelloobay dhul go’i Axaddii, uu ku dul habsaday dhul go labaad.

- Advertisement -

Ra’isulwasaaraha Itoobiya, Abiy Ahmed ayaa sheegay in uu aad uga xumaaday khasaaraha ba’an ee soo gaaray dadka, isaga oo intaasi raaciyay in ay goobta u direen saraakiil heer federal ah, si loo yareeyo saameynta masiibada.

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts