HomeWararMaxaa looga hadlay kulan dhexmaray RW Xamse Barre & Madaxweynaha Ciraaq?

Maxaa looga hadlay kulan dhexmaray RW Xamse Barre & Madaxweynaha Ciraaq?

Date:

Related stories

Muqdisho oo Lagu Qabtay Madasha Amniga Internetka

Muqdisho waxaa ka furmay Madasha 4-aad ee Amniga Internet-ka Soomaaliya, oo ay soo qabanqaabiyeen NCA iyo Jaamacadda Muqdisho,

Soomaaliya oo Sheegtay in 55% Dhulkii AS Dib Loo Qabsaday

La-taliyaha Amniga Qaranka Soomaaliya, Aweys Xaaji Yuusuf Axmed, ayaa madasha Global Security Forum 2026 ee Doha ka sheegay in dowladda dib ula wareegtay in ka badan 55%

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xamsa Cabdi Barre, ayaa magaalada Manama ee Dalka Bahrain, kula kulmay Madaxweynaha Dalka Ciraaq, Abdul Latif Rashid. Labada masuul ayaa ka wada hadlay xoojinta xiriirka labada dal iyo sidii la isaga kaashan lahaa dhinaca amniga iyo danaha wadajirka ah ee ka dhaxeeya labada shacab ee walaalaha ah, isla markaana […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xamsa Cabdi Barre, ayaa magaalada Manama ee Dalka Bahrain, kula kulmay Madaxweynaha Dalka Ciraaq, Abdul Latif Rashid.

Labada masuul ayaa ka wada hadlay xoojinta xiriirka labada dal iyo sidii la isaga kaashan lahaa dhinaca amniga iyo danaha wadajirka ah ee ka dhaxeeya labada shacab ee walaalaha ah, isla markaana la isku dhaafsan lahaa khibradaha dhanka amniga, maadaama ay labada dalba halganka kula jiraan ciribtirka  kooxaha argagixisada ah ee dhibaatada ku haya ummadda muslimiinta ah ee ku nool labada dal.

- Advertisement -

Kulanka ayaa sidoo kale diirradda lagu saaray, danaha labada dal ee faa’iidada u leh labada shacabka, gaar ahaan dhinacyada dhaqaalaha, dhaqanka, waxbarashada iyo caafimaadka.

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda JFS Xamsa Cabdi Barre, ayaa sheegay in Soomaaliya iyo Ciraaq uu ka dhaxeeyo xiriir soo jireen ah oo ku saleysan danaha ay wadaagaan labada dal, kaas oo muhiim tahay in la sii xoojiyo.

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts