HomeWararMagacaabista Danjiraha cusub ee Maraykanka u joogi doona Somalia oo la ansixiyey

Magacaabista Danjiraha cusub ee Maraykanka u joogi doona Somalia oo la ansixiyey

Date:

Related stories

Muqdisho oo Lagu Qabtay Madasha Amniga Internetka

Muqdisho waxaa ka furmay Madasha 4-aad ee Amniga Internet-ka Soomaaliya, oo ay soo qabanqaabiyeen NCA iyo Jaamacadda Muqdisho,

Soomaaliya oo Sheegtay in 55% Dhulkii AS Dib Loo Qabsaday

La-taliyaha Amniga Qaranka Soomaaliya, Aweys Xaaji Yuusuf Axmed, ayaa madasha Global Security Forum 2026 ee Doha ka sheegay in dowladda dib ula wareegtay in ka badan 55%

Aqalka Senedka ee dalka Maraykanka ayaa waxay si aqlabiyad leh u ansixiyeen inuu Richard H. Riley IV noqdo Danjiraha Maraykanka uga wakiilka noqon doona dalka JFS. Ansixinta Aqalka Senedka ayaa timid, kadib, markii uu Madaxweyne Joe Biden uu dabayaaqadii bishii March ee sanadkan u magacaabay Richard H. Riley IV inuu noqdo Danjiraha soo socda ee […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Aqalka Senedka ee dalka Maraykanka ayaa waxay si aqlabiyad leh u ansixiyeen inuu Richard H. Riley IV noqdo Danjiraha Maraykanka uga wakiilka noqon doona dalka JFS.

Ansixinta Aqalka Senedka ayaa timid, kadib, markii uu Madaxweyne Joe Biden uu dabayaaqadii bishii March ee sanadkan u magacaabay Richard H. Riley IV inuu noqdo Danjiraha soo socda ee Maraykanka u joogi doona dalka JFS.

- Advertisement -

Ambassador Richard H. Riley IV waxa uu bedeli doonaa Danjirihii Maraykanka u joogay Somalia, Ambassador Larry André oo xilkaasi hayey tan iyo bishii January sanadkii 2022-kii.

Dhanka kale, Danjiraha cusub ee Maraykanka, Ambassador Richard H. Riley IV waa Diblomaasi Khibrad leh, kana soo shaqeeyey dalal ay ka mid yihiin: UK, Raashiya, Canada, Pakistan, Shiinaha, Jamaica,  Yemen, Afghanistan iyo Iraq.

Si kastaba, Danjiraha Cusub ee Maraykanka u joogi doona dalka JFS, Ambassador Richard H. Riley IV waxa uu haystaa Dhowr Shahaado Jaamacadeed, isagoo Jaamacadda University of Georgia ka qaatay Shahaadada BBA, Dugsiga Ganacsiga ee Havard Business School waxa uu ka qaatay Shahaadada MBA, halka uu Shahaadada MS ka qaatay Kolejka Dagaalka ee National War College.

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts