HomeWararXisbiga Mucaaridka Turkiga oo guulo waaweyn kasoo hooyay doorashooyinka dowladaha hoose

Xisbiga Mucaaridka Turkiga oo guulo waaweyn kasoo hooyay doorashooyinka dowladaha hoose

Date:

Related stories

Muqdisho oo Lagu Qabtay Madasha Amniga Internetka

Muqdisho waxaa ka furmay Madasha 4-aad ee Amniga Internet-ka Soomaaliya, oo ay soo qabanqaabiyeen NCA iyo Jaamacadda Muqdisho,

Soomaaliya oo Sheegtay in 55% Dhulkii AS Dib Loo Qabsaday

La-taliyaha Amniga Qaranka Soomaaliya, Aweys Xaaji Yuusuf Axmed, ayaa madasha Global Security Forum 2026 ee Doha ka sheegay in dowladda dib ula wareegtay in ka badan 55%

Xisbiga ugu weyn mucaaridka Turkiga, ayaa guulo waaweyn kasoo hooyay doorashooyinki dowladaha hoos ee Axaddii shalay ka dhacay guud ahaan 81-ka gobol ee dalkaasi. Xisbiga CHP ayaa dib ugu guuleystay guud ahaan magaalooyinka Istanbul, Ankara iyo Izmir, sidoo kalana ka fara-maroogsaday xisbiga talada haya ee AKP magaalooyin uu aad ugu xooganaa isla markaana ay taladoodu […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Xisbiga ugu weyn mucaaridka Turkiga, ayaa guulo waaweyn kasoo hooyay doorashooyinki dowladaha hoos ee Axaddii shalay ka dhacay guud ahaan 81-ka gobol ee dalkaasi.

Xisbiga CHP ayaa dib ugu guuleystay guud ahaan magaalooyinka Istanbul, Ankara iyo Izmir, sidoo kalana ka fara-maroogsaday xisbiga talada haya ee AKP magaalooyin uu aad ugu xooganaa isla markaana ay taladoodu hayeen ka hor doorashadi shalay.

- Advertisement -

Guusha CHP ayaa dhabar jab weyn ku ah madaxweyne Recep Tayyip Erdogan, iyo xisbigiisa AKP oo rajo ka qabay, in ay dib u soo ceshadaan caasimadda ganacsiga ahna magaalada ugu weyn ee Istanbul, oo gacantooda ka baxday sannadki 2019-ki.

Sida ay ku warrantay wakaaladda wararka Dowladda Turkiga ee Anadolu, duqa magaalada Istanbul Ekram Imamoglu oo ka socda xisbiga mucaaridka ee CHP ayaa codbixinti Istanbul ee shalay ka helay 50.6%, halka murashaxi matalayay xisbiga AKP uu Murat Kurum, oo horay u soo noqday wasiirka deegaanka uu helay booqolkiiba 40.5%.

Magaalada Ankara ayaa waxaa isna dib ugu guuleystay duqa magaalada Mansur Yavas, Yavas oo ahaa duqa Ankara tan iyo sannadki 2019-ki ayaa isna ka tirsan xisbiga CHP. 25 boqolkiiba ayuu kaga badiyay murashaxi kula tartamayay doorashadi shalay.

- Advertisement -

Guud ahaan CHP ayaa doorashadi Axadi shalay dhacday ku guuleystay ilaa 36 gobol, oo ka mid ah 81-ka gobol ee dalka Turkiga. Taasoo uga dhigan guushi ugu weyneyd ee ay ka gaaraan madaxweyne Erdogan tan iyo marki uu tala Turkiga la wareegay sannadki 2002-di.

Khudbad uu xalay ka jeediyay balakoonka qasriga madaxtooyada ee magaalada Ankara, ayuu madaxweyne Erdogan ku qirtay guuldarada xisbigiisa kasoo gaartay doorashooyinki dowladaha hoos ee Axadi dhacay.

Wuxuu sheegay in shacabka uu farriin diray, farriintaas oo uu xisbigiisu falanqeyn iyada oo si geesino leh naftooda u dhaleeceyn doono.

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts